Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: Cudurka Ebola wali waa Halis


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay inay jiraan "horumar weyn" oo ku aadan dagaalka lagula jiro cudurka Ebola ee galbeedka Africa, balse wuxuu ka digay in adduuyadu ay ka feejignaato ilaa inta cudurka la dabargoynayo.

Obama ayaa aqalka Cad kula kulmay hoggaamiyayaasha dalalka Guinea, Liberia, and Sierra Leone, oo ah dalalka uu sida weyn u aafeeyay cudurka Ebola sannadkii hore, wuxuuna kulankani aha amid lagu qiimeynayo horumarka la sameeyay iyo dadaallada dib u soo kabashada.

Cudurka Ebola waxaa u dhintay in kabadan 10-kun oo qof galbeedka Africa, balse dhawaanahan waxaa hoos u dhacay kiisaska dadka uu cudurkan ku dhacayo, iyadoo uu gaaray 40 kiisas cusub oo lagu arkay dalalka Guine iyo Sierra Leone. Dalka Liberia ayaan diiwaaan gelin kiisas cusub oo cudurka Ebola ah.

Madaxweynaha Maraykanka oo saddexdan madaxweyne ku martigeliyay aqalka Cad ayaa amaanay wuxuu ku tilmaamay geesinnimadooda weyn iyo daweynta dhibbanayaasha cudurka Ebola.

XS
SM
MD
LG