Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran: Diyaar baan u Nahay Inaan Ciraq Caawino


Madaxweynaha Iran Xasan Rawxaani ayaa sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay Ciraaq ka taageerto dagaalka ka dhanka ah kooxda Sunniyiinta ah ee ISIS. Madaxweynuhu wuxuu beeniyay in Iran ay horey ciidamo ugu dirtay Ciraaq.

Madaxweynaha Iran wuxuu sheegay in Iran iyadoo raacaysa sharciga caalamiga ah ay diyaar u tahay inay xukuumadda Maliki caawiso.

Madaxweyne Rawxaani wuxuu sheegay in maleeshiyadda ISIS ee dhawaan qabsatay magaallooyinka dhowrka ah ay xiriir la leeyihiin siyaasiyiin reer Ciraaq ah ku guuldareystay codadna ka waayay doorashooyinkii baarlamaanka ee Ciraaq ka dhacay bishii April.

Dhinaca kale, dhalinyaro fara badan oo Shiico ah ayaa iska diiwaangalinayo magalada Baqdaad si ay ugu biiraan dagaalka ka dhanka ah kooxda Sunniyiinta ISIS.

Warbixinta ka dhageyso xagga hoose.
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:34 0:00
XS
SM
MD
LG