Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al Shabaab oo laga Saaray Xuddur


Ciidmada Ethiopia ayaa si rasmi ah ula wareegey magaalda Xudur ee caasimada gobolka Bakool, ciidamdan ayaan goor sii horeysey hareereeyey magaalada iyagoo isgaarsiintiina jarey.

Safiirka Ethiopia u fadhiya Somalia Wondimu Asaminew ayaa u sheegey VOAda in ay si nabad ah oo aan dagaal laheyn ula wareegeen magaalda goordhoweyd.

Dhanka kalena Ciidamda Dowladda iyo kuwa ka socda Ethiopia oo iskaashanaya ayaa kaabiga ku haya magaalda Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

dhaqdhaqaaqan ay sameynayaan ciidamda Ethiopia ayaa qeyb ka ah howlgal la filaayo in ay ciidamadan kula wareegaan gacan ku heynta gobolada Bay Bakool iyo Gedo.

Sidoo kale afhayeenka Ahlusuna Wal-Jamaaca ee gobolada Koonfureed Sh.Mohamed Hussein Isaaq (al- Qaadi) ayaa sheegay in Ciidamo ka kooban dawladda Somalia, AMISOM kuwa Alhusuna Wal-Jamaaca ay gobolada Gedo iyo Bakool ka wadaan hawlgalo ay kaga dhan yihiin xoogaga kooxda al- shabaab, iyagoo weeraray fariisimo ay ku lahayeen kala Beeyr ama birta dheer, burburiyayana goob difaac oo weeyn.

Waraysiyo kala duwan oo arrintan la xiriirta ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:13:20 0:00
XS
SM
MD
LG