Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falanqayn: Gulufka ku wajahan al Shabab


Maleeshiyada al-Shabaab
Maleeshiyada al-Shabaab
Tan iyo Markii Ciidamada Itoobiya ay ku biireen AMISOM waxaa socda abaabul iyo diyaargarow ka dhan al Shabaab, Isweydiinta ayaa ah in al Shabaab ka badbaadi karto gulufkan culus?.

Wararka ka imanaya Gobollada Bay oo Bakool ayaa sheegaya inay sii xoogaysanayaan dhaqdhaqaaqyada milatari ee ay samaynayana ciidamada Itoobiya ee haatan ka midka noqday cidiamada AMSIOM.

Warar lagu kalson yahya oo ay idaacddu heeshay ayaa sheegaya in ciidmaod Itoobiyana ah oo badan inay shalay soo gaadheen degmada Bardaale ee Gobolka Bay iyaga oo ka yimid dhinaca degmada Doolow.

Ciidankan Itoobyanka ayaa la sheegay in saldhigooda ugu weyn ay samaysan doonaan degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose haddii ay ka saaraan ururka al-Shabab.

Ciidamo kale oo dheeraad ah oo laxaad leh oo Itoobiyaan ah ayaa gaadhay degmada Bardaale.

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo ciidamada dawladda oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya la filayo inay magaallada Xuddur weeraraan dhowaan.

Dhinaca kalena waxaa socda diyaargarowga ay samaynayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda gaar ahana Shabeellada Hoose iyo Hiiraan.

Haddaba ma la dhihi karaa al-Shabab way ka badbaadi karaan gulufkan culus
Su'aashaas iyo kale ayay VOA ka waraystay Cabdullaahi Boru oo ah Khabiir ka faallooda arrimaha Geeska Afrika.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso waraysiga oo dhan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:38 0:00
XS
SM
MD
LG