Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mudaaharaad Rabshado Wata oo ka Dhacay Jabuuti


Dahir Axmed Faarax (DAF)
Dahir Axmed Faarax (DAF)
Goob joogayaal ayaa sheegay in tiro dad ah ay ku dhaawacmeen rabshadhaasi, sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ammaanku ay rabshadahan u xidheen tiro dad ah.

Ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijin karta khasaaraha dhabta ah ee illaa imika ka dhashay mudaaradka maanta oo Isniin ah ka dhacay Jabuuti
Rabshadaha ayaa ka dhashay isku soo bax ay ku baaqeen isbahysiga mucaaradka ee USN.

Ururada mucaaradka ayaa ka biyo diiday natiijada doorashadii baarlamaanka ee 22kii bishan ka dhacday guud ahaan Jamhuuriyadda Djibouti.

Afhayeenka isbahasyiga axsaabta mucaaradka ah ee USN, Daahir Axmed Faarax ayaa VOAda u sheegay in ay sii wadayaan isku soo baxooda.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha ee Jabuuti ayaa dadweynaha ugu baaqay inaanay ka qayb galin mudaaharaadyada aan sharciga waafqsanayn ee aan haysan ogolaansho rasmi ah.

Dhinaca kale Safaaradda Maraykanka ee Jabuuti ayaa ugu baaqday dadka Maraykanka ah eek u nool Jabuuti inay ka digtoonaadan rabshadaha ka dhalan kara natiijada doorashada baarlamaanka.

Warbixinno iyo waraysiyo arrintaasi ku saabsan ka dhegayso qaybta hooe ee boggan.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:11:42 0:00
XS
SM
MD
LG