Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Kismaayo oo Maanta Deggan


Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa maanta deggan kadib iska horimaadyo shalay ka dhacay halkaasi.

Iska horimaadka ayaa dhacay kadib markii maleeshiyo ay weerar ku qaaday saldhigga magaalada oo ay ku xirnaayeen dad lagu tuhmay inay Al-Shabab ka tirsna yihiin.

Saraakiisha ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa ururka Raaskaambooni ayaa isku dayaya in xaaladda la dejiyo, iyadoo ay weli jiraan maleeshiyo hubaysan oo dhufaysyo uga jira xaafado ka mid ah magaalada.

Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhimashada dagaalka shalay ay korodhay ayna gaadhayso ilaa 12 qof oo ka tirsan maleeshiyooyinka dagaalamay.
XS
SM
MD
LG