Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo ka Hadashay Aqoonsiga Maraykanka ee Somalia


Somaliland ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay si khaldan u uga faaideysatay aqoonsiga Maraykanku siisay Soamaaliya iyo waliba kulankii Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Somalia ay ku yeesheen aqalka Cad.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraale Duur, ayaa VOA u sheegay in dowladda Somalia laga doonayay inay Maryakanka ka codsadaan dib u dhiska dalka iyo waliba in Maraykanku gacan ka geysto sidii Soomaaliya la isugu keeni lahaa, balse ay fursadaasi seegtay oo aysan ka faaideysan.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, oo haatan ku sugan Seylac ayaa dhinaca kale sheegay in dhinacyadii muranku ka dhaxeeyay ee ku aadanaa golaha deeganaka Seylac ay isku soo dhaweeyeen. Wasiirka oo aan weydiinay aragtida Somaliland ee aqoonsiga Maryakank ee Soomaaliya, jawaabtiisa halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:36 0:00
XS
SM
MD
LG