Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: oo Mar kale ka Digtay Xaaladda Baniadnimo ee Somalia


Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in weli xaalad baniaadnimo ay ka jirta Somalia dad afar milyan gaarayana ay gargaar deg deg ah u baahanyihiin

Xafiiska isku-duwidda gargaarka Bani aadnimo ee Qaramada Midoobay ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yirahdo, OCHA, ayaa ku soo waramaya in xaaladda cunno yari ee ka jirta Somalia ay weli tahay mid qatar ah .

Edem Wosornu, oo ah ku simaha ku xigeenka madaxa Xafiiskfa OCHA,, laantiisa Somalia ayaa sheegtay in Somalia ay dhabtii weli ka mid tahay meelaha mushkiladaha ugu balaaran ee bani aadnimo ay ka jiraan dunida maanta la joogo.

Waxey sheegtay in guulo waaweyn la gaaray, wixii ka dambeeyay abaartii 2011kii ku dhufatay Somalia , hase yeeshee 12 bilood ka dib, weli mushkiladu ay taagantahay.
Waxey sheegtay in inkastoo roobab da’ay iyo xadiga gargaarka bani aadnimo ee gaaraya Somalia sanadkii la soo dhaafay ay wax weyn ka tareen ama ay hoos u dhigeen tirada dadkii u baahnaa gargaarka deg degga ah hadana aan la dhihi karin Somalia waxey ka baxday xaaladii bani aadnimo.

Qaramada Midoobay waxey sheegtay in ku dhawaad 4 milyuun oo qof ay weli gargaar u baahanyihiin.

Waxeyna intaa ku dartay in tardaasi laba loo kala qaadi karo:

2.1 Malyan oo qof oo u baahan gargaar, hase yeeshee awooda inay helaan baahidooda aas aasiga ah iyo 1.7 milyan oo kale oo dheeri ah oo ka soo yara baxay mushkiladahaasi sanadkii la soo dhaafay, laakiin laga yaabo inay dib ugu noqdaan hadii aan loo helin taageero ay ku sii xajistaan soo kabashadooda.
Inta badan xaaladaha hubaal la’aanta cunno waxey weli ka jiraan gobolada koonfurta iyo bartamaha Somalia.

Ciidamada dowladda iyo kuwa ay xulufada yihiin ayaa isku dayaya inay ka saaraan Al-shabab gobolada Gedo, Bay iyo Bakool. Goboladaas oo ah kuwii Maleeshiyada Shabab ay xayiraad ku soo rogeen galaangalkii gargaarka bani aadnimo iyo xitaa ganacsigii, dhibaatooyinkaas oo sare u qaaday qiimihii cunada ee suuqyada.

Hay’adaha gargaarka ayaa isku dayay inay cunno hawada ka soo daadiyaan si looga gudbo xayiraadda iyo jidgooyada ay Al-shabab gargaarka u dhigatay, hase yeeshee howlaha noocaasi ah, ma ah kuwo sii waara.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay heystaan caqabado sida, dagaaloo goos goos ah, oo sababa bara kacyo ku meel gaar ah, oo uu mid ka dhacay todobaadki la soo dhaafay magaalada Buula Xaawo, oo ku taala xadka Somalia ay la wadaagto Kenya, halkaas oo ay dad si ku meel gaar ah guryahoodii uga soo cararay ay joogaan magaalada Mandhere ee dhinaca Kenya.

Qaramada Midoobay waxey sheegtay in soo afjaridda colaadda ay tahay tan kaliya ee si dhab ah u xaqiijin doonta mushkiladaha cunnada ee ka jira Somalia, sidoo kalena waa mid ku xiran, bey tiri, hadba sida uu dalagu beeraha uga soo go’o ama ay dadku ugu dareeraan tacabka.

Istraatiijiyad sadex sanadood ah ayaa la sameeyay, taasoo loogu yeeray- qorshaha codsiga ay Somalia qeybta ka tahay ee gargaarka bani aadnimo – kaasoo oo dalbanaya $1.3 billion oo dollar sanadka ugu horeeya, balse weli wax cadad ah looma cara baanin sanadaha kale.

Qaramada Midoobay waxey sheegtay in qorshahan afar ujeedo laga leeyahay.
Xaqiijinta in qof waliba uu helayo, kaalmo naf badbaadin ah, gaar ahaan caruurta nafaqa daridu ay heyso iyo dadka ku nool mashaakilka cunno, kuwaa oo u baahan 2.1 million.

Qeybta kale ee lacagta ayey sheegtay in lagu sii wadayo xaqiijinta horumarinta, tayada, isku haleynta iyo ka jawaabista baahida adeegyada aas aasiga ah.
Qorshahan ayaa sidoo kale ku baaqaya in la maalgeliyo qooysaska iyo bulshada oo la taageero, isla markaana la xoojiyo awoodda hay’adaha aan dowliga aheyn ee maxaliga ah, iyo masuuliyiinta degaanada, si ay wax uga qabtaan mushkiladda cunno.

Warbixintii ugu dambeeysay ee uu soo saaray Xaqiiska isku duwiida gargaarka ee Qaramada Midoobay ee OCHA , ayaa muujinaya in guulo laga gaaray sanadkan caawinta caruur ay naqa darro heysay.

Tirada caruurta ee la soo gaarsiiyo xarumaha nafaqeynta iyo daweynta waxey hoos uga dhaxday qiyaastii 80, kun –bishii Janurary ee bilowgii sanadkan halka bishii October ee sanadkii horena ay aheyd ilaa iyo 20 kun.

Waxaa kaloo jira dadaalo soo kordhaya oo lagu caawinayay dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay, gacan ka hadalka jinsiga ku saleysan, kuwaa oo la siiyay taageero caafimaad iyo mid maskaxeedba.

Qiyaastii 115 kun oo dhacdo oo noocaasi ah ayaa la soo wariyay sanadkan oo kaliya.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:13 0:00
XS
SM
MD
LG