Talaado, Bisha Afraad 21, 2015 Wakhtiga Geeska Afrika 09:32

War / Soomaaliya

Puntland iyo al-Shabaab oo Dagaal Dhexmaray

Maleeshiyada Gal-Gala ee ku xiran al-Shabab ayaa weeraray saldhig ay cidianka Puntland ku leeyihiin meel u dhow Gal-Gala. 11 Askarta Puntland ayaa dhintay, halka maamulku sheegay inay iyaguna dileen 7 maleeshiyo.

Dagaal dhexmaray Puntland iyo Burcad-badeedDagaal dhexmaray Puntland iyo Burcad-badeed
x
Dagaal dhexmaray Puntland iyo Burcad-badeed
Dagaal dhexmaray Puntland iyo Burcad-badeed
Mohamed Olad
In ka badan 11 askari oo ka tirsan ciidamada maamul-goboleedka Puntland ayaa ku dhintay tiro kalena wey ku dhaawacmeen dagaal deegaanka Sugurre ee gobolka Bari xalay saqdii dhexe ku dhexmaray ciidamada Putland iyo Maleeshiyaad Islamiyiin ah ee ka tirsan al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii maleeshiyaadka Galgala ay weerar ku qaadeen, goob ay degaanka Sugurre kaga sugnaayeen ciidamada Puntland, oo qiyaastii  45-km dhinaca Koonfur-galbeed kaga beegan degmada Boosaaso.

Askarta Puntland waxay dhinteen markii baabuur ay saarnaayeen miino la qaraxday.

War-saxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in dagaalkaasi ay Ciidamada Puntland ku dileen 7 ka mid ah kooxdii soo weerartay, 12 kale oo dhaawac ahna ay la baxsadeen.

Warbixin arrintaas la xiriirta hoosta ka dhageyso.

Video: Qaraxa QM ee Garowe

JavaScript wuu kaa dansan yahay ama waxaad haysataa Adeegga Flash Adobe Player oo qadiim. soo hel Flash player ugu danbeeyay.
Daawo: Qaraxa Garowe ee UNICEFi
|| 0:00:00
...  
🔇
X
20.04.2015 14:26

Barnaamijyada Idaacadda

  • Idaacadda Subaxnimo
    30 min

    Idaacadda Subaxnimo

    Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii...

  • Idaacadda Habeennimo
    60 min

    Idaacadda Habeennimo

    Idaacadda habeenimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey...

  • Idaacadda Fiidnimo
    60 min

    Idaacadda Fiidnimo

    Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey...

  • Idaacadda Galabnimo
    60 min

    Idaacadda Galabnimo

    Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka,...