Friday, October 31, 2014 Wakhtiga Geeska Afrika 17:09

War / Soomaaliya

Mahiga oo Raalli Geliyey Soomaaliland

x
Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga oo ku sugan Hargeisa, ayaa sheegay inuu raali galin ka bixinayo qoraal uu sheegay inuu si khaldan uga soo baxay xafiiskiisa  oo ay ka biyo diideen masuuliyiinta Soomaalil and.

Qoraalka sida qaldan uga soo baxay xafiiiska Mahiga oo soo gaaray Soomaaliland ayaa lagu sheegay in Soomaaliland ay tahay maamul goboleed ka tirsan wadanka Soomaaliya.

Mahiga oo Hargeysa kula kulmay madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliland, ayaa sheegay inuu qaatay masuuliyadda dhanbaalka maadaama uu magasciisu ku  saxiinaa.

Mahiga ayaa dhinaca kale ka hadlay doorashooyinka dawladaha hoose ee maalinta barri ah la filayo inay ka dhacdo  gobolada iyo degmooyinka Soomaaliland.

Warbixinta raaligelinta iyo booqshada Mahiga halkan hoose ka dhageyso.
QUBANAHA

QUBANAHA

  • Idaacadda Subaxnimo
    30 min

    Idaacadda Subaxnimo

    Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii...

  • Idaacadda Fiidnimo
    60 min

    Idaacadda Fiidnimo

    Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey...

  • Idaacadda Subaxnimo
    30 min

    Idaacadda Subaxnimo

    Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii...