Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sarkaal Maraykan ah oo Booqday Dhadhab


Sarkaal Maraykan ah oo Booqday Dhadhab
Sarkaal Maraykan ah oo Booqday Dhadhab

Rubeon Brigety oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda Arr. dibedda Maraykanka ayaa booqasho ku tagay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Rubeon Brigety, kuxigeenka Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka ee arrimaha qaxootiga, dadweynaha iyo socdaalka ayaa booqday xeryaha qaxootiga Soomaalida ee dalka Kenya.

Booqashadan oo ahayd mid uu ku qiimeynayo heerka abaaraha ka jira geeska Afrika ayaa shir jaraa'id oo ku qabtay Nairobi wuxuu ku sheegay in dowladda Maraykanku ay aad uga walaacsan tahay masiibada ka jirta Somalia ee ay dhaliyeen abaaraha iyo colaadda.

Sarkaal wuxuu sheegay inaan lagu degdegi karin go'aankii Al-shabaab ay ku ogolaatay gar-gaarka la gaadhsiinayo deeggaannada ay ka taliyaan.

Rubeon Brigety, wuxuu sidoo kale soo booqday xero ku taalla xadka Somalia iyo Ethiopia halkaasoo ay ku qul-qulayaan qaar ka tirsan dadka ka cararaya abaaraha.

Booqashada sarkaal ka socda Maraykanku uu ku tagay xeryaha qaxootiga ee Kenya ayaa ku soo beegmaya iyadoo dowladda Kenya ay sheegtay inay furayso xero afraad oo loogu talagalay qaxootiga Soomaalida.

XS
SM
MD
LG