Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafdi booqday goobta ay ku dhacday diyaaraddii African Express


Burburka Diyaaradda
Burburka Diyaaradda

Wafdi ka socda dawladda federaalka Soomaaliya, maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo safaaradaha Kenya iyo Itoobiya ayaa manta booqday goobta ay ku dhacday diyaaraddii African Express ee duleedka Bardaale.

Mas'uuliyiinta qaybta ka ahaa safarkaasi ayaa idaacadda VOA u sheegtay in wafdiga ay ka mid ahaayeen wasiirka gaadiidka iyo duulista dawladda federaaka Maxamed Cabdullaahi Salaat Oomaar, Wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed iyo safiirrada waddamada Itoobiya iyo Kenya u jooga Soomaaliya.

Diyaaradda waxaa ku dhintay lix qof, waxaana socda baaritaan ku saabsa sababta ay usoo dhacday.

Laba mas’uul ayaa shalay VOA u sheegay in diyaaradda ay ku dhaceen wax dhulka laga riday oo mid ka mid ah uu ku tilmaamay gantaal.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku sugnaa degaanka Bardaale, ilaa haatanna wax war ah kama soo bixin ciidanka Itoobiya iyo kuwa AMISOM.

XS
SM
MD
LG