Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Ka Hadlay Kulanka Riyadh


Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Axaddan ugu baaqay dalalka Muslimka ah inay u midoobaan dagaalka laga soo horjeedo kooxda Daacish, isagoo hogaamiyayaasha dalalka Carab iyo Muslim ee ka qayb galaya kulanka ka dhacaya magaalada Riyad u sheegay in ay ahayd "dagaal u dhexeeya wanaagga iyo xumaha.”

Trump, oo ku gudajira booqashadiisii u horreysay ee uu ku tago dibadda isagoo madaxweyne ah, ayaa sheegay in Maraykanka uu doonayo waddamo isbahaysi ah “kuwaasoo wadaaga hadafka ah cirib tirka xagjirnimada.”

"Tani ma ahayn dagaal u dhexeeya diimo kala duwan, kooxo kala duwan, ama ilbaxnimooyin kala duwan," ayuu yiri Trump. "Tani waa dagaal u dhexeeyadambiilayaasha Axmaqiinta ah ee raadinaya inay tirtiraan nolosha aadanaha, iyo dadka wanaagsan ee ka soo kala jeeda diimaha kala duwan ee u baahan in la ilaaliyo.

Madaxweyne Donald Trump oo lix wadan oo Muslim ah oo ay ka dhaceen weerarro argagixiso ka mamnuucay inay soo galaan Mareykanka, ayaan adeegsan halku dhagiisii ahaa “Argagixisada Asal-Raaca Islaamka ah” kaasoo ah mid si joogto ah ugu jira khudbadihiisa dalkan Maraykanka, taa beddelkeeda ayuu hoggaamiyaasha Muslimka ugu baaqay inay si hagar la’aan ah uga hortagaan argagixisada “dhibaatooyinka xag-jiriinta Muslimka ah iyo kooxaha Islaamistayaasha ah ee ay dhiirragaliyaan.”

Haddaba Khudbadda Madaxweyne Trump waxaa faallaynaya Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka tirsan Jaamacadda Minnesota, Mariya Cabdullaahi Gahayr oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Siyaasiga ah ee CPA oo ku sugan Sucuudiga iyo Maxamed Xaaji oo bartay cilmiga Siyaasadda iyo Ammaanka dunida oo ku sugan dalka Britian.

Dhageyso warbixino la xiriira khudbaddii Trump
please wait

No media source currently available

0:00 0:19:38 0:00

XS
SM
MD
LG