Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Beeleed Ka Dhacay Dhuusamareeb


dagaal
dagaal

Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhimatay inta la ogyahay sagaal kalena wey ku dhaawacmeen dagaal laba maleeshiyo beeleed ku dhex maray deegaan ku dhow degamada Dhuusa mareeb ee gobolka Galguduud.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo aano qabiil, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli ay abaaro baahsan dhibaato xooggan u geysteen noloshii gobolka, roobab da’ayna ay keeneen dhaqdhaqaaq dhinaca daaqa iyo waraabka ah oo ay sameynayaanxoolaleyda iyo dadka reer miyiga ah.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu yara qaboobay, balse dhinacyadii dagaalamay ayaa lagu soo warramayaa in ay is hor fadhiyaan.

Maamulka Galguduud ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya in xabadda la joojiyo qilaafkana lagu dhameeyo wada hadal.

Dhageyso warbixinta dagaalka Dhuusamareeb
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:00 0:00


XS
SM
MD
LG