Isku xirrada

Goobaha Codbixinta ayaa looga dareeray dalka Faransiiska, ka dib olole aad u xooggan oo noqday mid ka mida ololayaashii ugu adkaa ee dalkaas laga galo waayadii dambe.
Waxaana hindisayaasha labada hoggaamiye kala wataan ee codbixiyayaashu ay kala dooranayaan ka mida, in la sii hayo jidka isdhexgalka caalamka (globalization) iyo dhinaca kale oo raba in la qaado jid kaas ka duwan, lagana baxo Midawga Yurub.
Ololahan waxaa hadheeyey intii uu socday qodobo ay ka mid yihiin arrimaha shaqada, socdaalka iyo ammaanka.
Labada musharax ee loo kala codaynayo ayaa kala ah Emmanuel Macron iyo haweenayda sida aadka uga soo horjeedda dhinaca muhaajiriinta ee Marine Le Pen.

XS
SM
MD
LG