Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DF: Waxaan Dilnay Hogaamiye Al-shabab ah


Dawladda Federaalka ee Somalia ayaa sheegtay in hawlgal ciidan oo shantii bishan May ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose ay ku dishay Macallin Cismaan Cabdi Baadil iyo saddex maleeshiyada kooxda ka mid ah. Ninkan oo ay dawladdu ku sheegtay inuu ahaa hogaamiyaha kooxda ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku dhintay weeerar uu ciidanka xoogga dalku ku qaaday.
Dawladda ayaa sheegtay in talaabadani ay dhabar jab ku tahay kooxda Al-shabab. Warkan oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegtay in xiliyadii dambe ay jireen dhalinyaro kooxda ka soo goostay, haddana ay ugu baaqayaan dhinyarada kale in talaabo taas la mid ah ay qaadaan, si ay uga faa’iideystaan cafiska ay dawladdu sheegtay inay u fidinayo dhalinyarada kooxda ka soo baxa.

XS
SM
MD
LG