Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Danjire Cawad: Ilaa 4000 ayaa la Tarxiilayaa


Safiirka Somalia u fadhiya dalkan Mareykanka, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in safaaradiisu ay ogaatay in hey’adaha socdaalka ee mareykanka ay doonayaan inay Mareykanka ka masaafuriyaan ilaa 4 Kun oo qof oo Somali ah.

Ambasador Cawad ayaa sheegay in ku dhawaad 300 oo dadkaasi ka mid ah oo haatan xarumo iyo xabsiyo lagu hayo la celin doono labada bilood ee soo socota, halka kuwa kalena ay hey’adaha socdaalka baadi goonayaan. Hadalka Safiirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan, 82 qof oo 26 dal u dhashay oo uu ku jiray oday dhorw iyo konton jir ah oo Somalia ay hey’adda socdaalku ka qabqabatay magaalada Washington iyo hareeraheeda.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa arrimahan ka wareystay Safiirka, isagoo ugu horeyn weydiiyay, qof somaliga ee ka mid ahaa dadka dhawaan la qabqabtay.

Dhageyso Wareysiga Danjiraha Somalia
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:26 0:00

XS
SM
MD
LG