Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Natiijada Imtixaanaadkii Dugsiyada oo La Shaaciyay


Wasaaradda waxbarashada dowladda Soomaaliya, ayaa shalay galinkii dambe baahisay natiijada imtixaanadkii dugsiyada sare ee ay wasaaraddaasi qaadday dhawaan, taas oo aheyd sanadkeedii labaad, kadib markii ay manaahijta waxbarashada mideysay.

Tobanka Ardey ee ugu horreya, ayaa waxay ka kala tirsan yihiin dugsiyo ku yaalla Banaadir, Jubbada Hoose iyo Galgaduud, iyadoo koowaadna ay noqotey gabar lagu magacabo Safiyo Shuceyb Cismaan, oo dhigata dugsiga Macalin Caddow ee Jimciyadda Imaamu Shaafici.

Haddaba, agaasimaha wasaaradda waxbarashada DFS Maxamed C/qaadir Nuur, ayaa VOA-da la wadaagay tirada guud ee ardada imtixaanaadka gashay iyo kuwa guuleystay. Jaamac Buulle Jaamac, ayuuna khadka telefoonka ugu warramay.

Dhageyso Natijada Imtixaanaadka
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:58 0:00

XS
SM
MD
LG