Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada K.Suudaan oo Dib u Qabsaday Bor


Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dib u qabsadeen magaalada Bor, oo ah Magaalado Istaraatiiji ah, oo dhowr jeer oo hore dhinacyadu ay kala qabsadeen, tan iyo markii uu dagaalku ka dhex qarxay ciidamada dowladda iyo xoogagga ka soo horjeeda bartamihii bishii December ee sanadkii hore.

Afhayeen u hadlay ciidamada dowladda, Philip Aguer, ayaa sheegay in Ciidamada Xukumadda Suudaanta Koonfureed ay galeen magaalada Boor maanta oo Sabti ah ayna ka adkaadeen in ka badan 15 kun oo dagaalyahanada mucaaradka ah.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dagaalyahanadda mucaaradka oo ku aadan xaaladda magaalada Bor, ee gobolka Jonglei State.

Urur Goboleedka ay ku bahoobeen dalalka Geeska Africa ayaa isku dayayay inuu ku qanciyo wakiilada dowladda iyo mucaaradka ee ku kulmay magaalada Adis Ababa ee Ethiopia inay isla gaaraan xabad joojin.

Sabtidiina, wada xaajoode ka tirsan dowladda Mabior de Garang ayaa sheegay in mucaaradku ay isku raaceen qorshe ay ku kala saxiixanayaan heshiis xabad joojin ah maalmaha soo socda.

Wakaaladda Wararka ee Faransiiska ayaa sheegtay in wada xaajoodahaasi dowladda Koonfurta Suudaan uu u diyaar garoobayay inuu dib ugu noqdo Addis Ababa si ey u saxiixdaan heshiis lagu joojinayo colaadda oo lagu sii wadayo wada xaajoodka.

Labada dhinac ayaa wada hadallo ku lahaa dalka Ethiopia muddo dhowr todobaad ah , hase yeeshee wada hadaladu waxey ka socon waayeen dalab ka yimid mucaaradka oo ahaa sii deynta 11 qof oo la xiray wax yar ka dib Afgambi ay sheegtay xukumadda Koonfurta Suudaan inuu dhicisoobay bishii la soo dhaafay.

Ma cadda sida qodobkaasi sii deynta raggaasi ee la isku mari lahaa sida looga gudbay.
XS
SM
MD
LG