Barnaamijka Haweenka iyo Qoyska ee toddobaadkan waxaan ku soo qaadaneynaa ololaha sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay ee soconaya 16-ka maalmood ee lagaga horjeedo xadgudubyada jinsiga ku salaysan ee caalamka.
Haween ay tiradoodu ku dhow dahay ilaa iyo 150 oo dan yar ah oo ku nool magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan ayaa sameystay sanduuq dhaqaale oo toddobad kasta maalinta jimacaha ah qofkiiba uu bixinayo $1 oo ay meel dhigtaan
Barnaamijka Haweenka iyo Qoyska ee toddobaadkan waxaa marti ku ah wasiirkii hore ee Haweenka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Marwo Aamino Maxmed Mursal.
Waxaa jira dumar badan oo iyagoo hooyo ah, xaas ah, haddana wax barta si ay u kororsadaan aqoontooda, ugana mira dhaliyaan hadafka ay ku doonayaan inay noqdaan hooyooyin aqoon leh oo wax tara ubadkooda iyo bulshada ay la nool yihiin.
Muran iyo is fahmi waa muddo soo jiitamayay oo ka dhex taagnaa maamulka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyntii dhalyay in kulan ka dhacay magaalada Muqdisho lagu doorto guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen cusub oo la sheegay in ay badalayaan masuuliyiinta xilalkaasi horey u haysay.
Kuwo kale