Dalka Sweden waxaa maanta ka furmay tartan ay sannadkiiba mar isugu yimaaddaan kooxaha kubadda cagta ee Soomaalida ku nool dalalka Qurbaha, Tartanka sannadkan ayaa noqonaya kii tobnaad,
Dalka Indoneisa in kabadan 50 qof ayaa dhintay markii diyaarad military ay ku dhacday xaafad ay dadku dagan yihiin oo ku taalla magaalada Medan ee jaziiradda Sumatra.
Tartanka Cayaaraha ee Koonfurta iyo Badhtamaha Qaaradda Amerika ayaa ka furmay dalka Chile, Tartankan oo lagu magcaabo Copa America waxaa warbixin arrintaas la xidhiidha innooga diyaariyey Maxamuud Mascadde.
Koobkii Qaramada Africa ee kubadda cagta ayaa waxaa ku guulaystay xulka qaranka ee Ivory Coast oo ka badisay Ghana.
Barnaamijka Ciyaaraha ee toddobaadkan waxaa soo diyaariyey isla markaana inala socodsiinaya weriyahayaga Maxamuud Mascadde.
Waa barnaamij gaar ah oo aannu ku eegayno dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee ciyaarta kubadda cagta oo meelo kala duwan oo dunida ah ka dhacay, iyada oo ciyaartii Koobka Adduunka aan si gaar ah u eegayno.
Maanta waxaa si weyn loo sugayaa ciyaarta ka dhici doonta garoonka Emirates Stadium ee magaalada London waxaana iskaga hor imanaya kooxaha Manchester United iyo weliba Arsenal
Barnaamijka Ciyaaraha ee maantana waxan idiinku haynaa waxyaabihii u gaarka ahaa iyo kuwii la yaabka lahaa ee ka dhacay Koobka Adduunka oo sanadkan ka dhacay dalka Brazil.
Xulka Jarmalka ayaa ku guuleystay koobka adduunka 2014, kaddib markii ciyaarkii kama dambeyska uu 1-0 kaga badiyay Argentine. Waa Markii 4aad ee Jarmalku uu ku guuleysto koobka Adduunka.
Maanta ayaa loo ballansanyahay cayaartii gabagabada ee Koobka Adduunka ee Kubadda Cagta, VOA ayaa faaqidaad ammuurtaasi ku saabsan barnaamij ka diyaarisay.
Xulka Argentine ayaa u soo baxay ciyaarta final-ka koobka addunka, kaddib markii rigoorayaal 4-2 ay uga adkaatay xulka dalka Netherlands . Labada kooxood oo ciyaar xiiso badan maanta yeeshay, ayaa 90-kii daqiiqo barbar dhac ku dhameystay.
Xulka Brazil ayaa ka haray tartanka koobka adduunka 2014 kaddib markii kooxda Jarmalku ay 7-1 uga baddisay ciyaar ka tirsaneyd semi-finalka, waxaana halkaasi ku dhamaatay riyadii Brazil.
Kuwo kale