Qarax ka dhashay miino lagu aasay waddada jiinkeeda ayaa dalka Afghanistan maanta ku dilay ugu yaraan 35 qof oo ku safrayey bas, islamarkaana dhaawacay 27 kale, sida ay sheegeen saraakiil.
Kuuriyada Waqooyi ayaa aroornimadi hore ee Arbacada maanta ah tijaabisay laba gantaal oo ah nuuca ridda gaaban ee loo yaqaanno balistiga.
Dawladda Myanmar ayaa bilowday inay u dabacdo cadaadiska dawliga ah, iyada oo ogolaatay in la celiyo dad ka badan 700 oo kun oo qowmiyadda Rohingaha ah, kuwaas oo hadda ku nool dalka Bangladesh
Duqii hore ee magaalada Tehran, Mohammad Ali Najafi ayaa lagu xukumay dil kadib markii lagu helay dambi ah inuu dilay xaaskiisa, waxaa sidaas maanta shaacisay waaxda cadaaladda Iran.
Sacuudi Carabiya ayaa maanta isku diyaarineysa tacsida boqor Salmaan walaakiis ka weynaa, kaasi oo geriyooday isaga oo 96 jir ah.
Booliska Hong Kong ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa maanta u adeegsaday kumanaan qof oo ka qeybgalay mudaaharaad looga soo horjeedo maamulka u janjeera dowladda Shiinaha.
Iran ayaa ku tilmaantay cadaawad iyo daandaansi, qorshe ay Yurub ku rabto in ay ku sameyso ciidamo isbaheysi ah oo galbiya maraakiibta laga leeyahay Yurub ee maalin walba marto gacan biyoodka Hormuz ee u dhaw Iran.
Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay duqeymo dhinaca cirka oo ay diyaaradaha dagaalka dowladda Suuriya maanta ka geysteen deegaanno ku yaalla dhinaca waqooyi galbeed ee Suuriya.
Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhintay tobneeyo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib marki laba dhul gariiri oo waaweyn ay garaaceen dalka Filibiin aroornimadi hore ee Sabtida maanta ah.
Diiwaanadka heerkulka ee Yurub ayaa taariikh cusub sameynaya ayada oo mowjado kuleyl ah ay ku dhufteen qaaradda.
Difaaca hawada Sacuudiga ayaa qabtay diyaarad drone ah oo kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ay ku bartilmaameedsatay magaalo ku taalla Koonfurta Galbeed ee dalkaas, waxaa sidaas maanta sheegay isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen.
Kuwo kale