Duufaanta loogu magac daray Pabuk ayaa Jimcaha maanta ku dhufatay dalka Thailand, iyadoo la filayo in ay reebto saameyn xoogan.
Dacwad-oogayaasha Sacuudiga ayaa dil toogasho u dalban doono shan nin oo ku eedeysan dilka weriye Jamaal Khaashuqji, waxaa sidaas maanta werisay wakaaladda wararka dalkaas, ayada oo maanta ay maxkamad billowday dhageysiga dacwadaha 11 eedeysane.
Wakaaladda wararka Turkiga ayaa maanta sheegtay in wafti ka socda Mareykanka ay la kulmayaan saraakiisha Turkiga, ayaga oo kala hadlay codsiga Ankara ee ah in loo soo masaafuriyo wadaadka Turkiga ee Mareykanka ku nool, Fethullah Gulen.
Heerka sicir-bararka dalka Turkiga ayaa bishii labaad oo xiriir ah hoos u dhacay bishii December, ayada oo ay caawisay canshuur dhimis iyo qiimaha badeecadaha oo hoos loo dhigay.
Sida laga soo xigtay hay’adda muhaajiriinta Caalamiga ah ee IOM, dalka Spain ayaa qaatay 57, 250 qof, marka laga soo bilaabo bilowgii sanadka ilaa bishii December, 26keedii. Celcelis ahaan, waxay tiradu noqonaysaa 160 qof maalin walba
Suuqa saamiyada Dubai ayaa maalinkii ugu dambeysay ee sanadii 2018 xirmay, ayada oo uu luumiyey 25% qiimahiisa, taasi oo ka dhigtay sanadkii ugu xumaa ee suuqa, tan iyo xasaradihii dhaqaale ee dunida ka dhacay toban sano ka hor.
Dhacdooyinka Caalamka ee 2018 waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Sandhere iyo Falastiin Axmed Iimaan, waxaanad ku maqli doontaan waxyaabihii ugu waaweynaa ee dunida ka dhacay sanadka sii dhamaanaya ee 2018
Barnaamijka Caweyska Washington waxa aanu todobaadkan ku soo qaadan doonaa sanadkan sii dhamaanaya ee 2018 iyo qaar ka mid ah sheekooyinkii xiisaha lahaa ee aanu ku soo qaadanay barnaamijka
Mas’uuliyiinta Suuriya ayaa sheegay maanta in ciidamada dowladda ay galeen deegaano muhiim ah oo ka tirsan magaalada waqooyiga bari ee Manbij oo ka tirsan maamulka Xalab.
Dowladda Mareykanka ayaa ku warramaysa inay horumnar ka sameysay dadaallada ay ku ciribtirayso kooxda Daacish ee Afghanistan, ayada oo xaqiijisay in afhayeenkii kooxdaas lagu dilay duqeyn uu Mareykanka fuliyey.
Ruushka ayaa cambaareeyey duqyemo ay diyaaaradaha dagaalka Israel ka gaysteen meel ku dhow magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya.
Kuwo kale