Wasiirki hore ee Arrimaha Dibadda ee Canada ayaa maalmihi la soo dhaafey boggiisa Twitter-ka ku soo daabacayey qoraallo loo arkey in ay yihiin kicin dadka siyaasada midigta fog aaminsan ee reer Kanada.
Maanta oo kale 19 August waxaa Dunada laga xusaa maalinta Bani,adamnimada iyadoo xuska maalintan ay Qaramada Midoobya u asteesay 19 August 2003dii xiligaas oo shaqaalo samafalka ka shaqeyaa lagu dilay Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq
Ku dhawaad laba milyan oo ruux ayaa sannadkaan ka qeybgalaya gudasha waajibaadka xajka kuwaas oo ku sugan Xaramka Barakeysan ee magaalada Maka ee dalka Sacuudiga
Halyeeygii hore ee ciyaaraha Kirketka dalka Pakistan Imran Khan, ayaa maanta oo Sabti loo dhaariyay inuu noqdo Ra’isulwasaaraha cusub ee Pakistan.
Warbixin ay Khubarada dhinaca hubku soo saareen ayaa lagu sheegay in bambaanadii uu Isbaheysiga Sacuudigu ku duqeeyay bas carruur siday -oo gudaha dalka Yemen ay aheyd mid- uu Mareykanku farsameeyay.
Weerar isqarxin ah oo ka dhacay saldhig milatari oo ku yaala waqooyiga Afghanistan ayaa dilay ugu yaraan 40 ciidamada ammaanka ah, kaasoo ah kii ugu dambeeyay weerarro is xigxigay oo ka dhacay waddanka kaasoo sababay in dhimasho iyo dhaawac culus uu soo gaaro xoogagga dowladda.
Masuuliyiinta dalka Talyaaniga ayaa sheegay Arbacan maanta ah in ugu yaraan 37 qof ay ku dhinteen buundo wayn oo ay baabuurtu maraan oo ku taalla magaalada Genoa.
Ugu yaraan 30 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen kadib marki ay duntay buundo ku taalla magaalada Genoa ee waqooyigalbeed dalka Talyaaniga.
Qareenka wadaadka Mareykanka ah ee Turkiga loogu maxkamadeynayo eedeymo la xiriira argagixiso ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay, in eedeysanuhu uu Talaadada maanta ah dalbaday in lasii daayo, kadib markii uu muddo xabsi guri ahaa
Booliska magaalada London ayaa sheegay in nin watay baabuur uu maanta jiirsay dad lugeynayay iyo kuwo watay baaskiil oo marayay agagaarka Aqalka Baarlamaanka Britian.
Bankiga Dhexe ee Turkiga ayaa maanta ku dhawaaqay qorshe lagu xasilinayo qalalaasaha dhaqaale ee soo food saaray Turkiga. Madaxweyne Erdogan ayaa isna magaalada Ankara ka sheegay in Turkiga la geliyay go’doon dhaqaale.
Iska horimaad u dhexeeya ciidamada amaanka Afghanistan iyo kooxda Taliban ayaa maalintii afaraad ka socda magaalada Ghanzi oo ku taala koonfur bari dalka Afghanistan.
Kuwo kale