Sacuudi Carabiya ayaa ku gacan seertay qaraarka Aqalka Senate-ka Mareykanka ee ku baaqay in Mareykanka uu soo geba gebeeyo taageerada uu siiyo dagaalka Sacuudiga ee Yemen, islamarkaana dhaxal-sugaha dalkaas ku eedeeyey dilka weriye Jamaal Khaashuqji.