Booliska dalka Australia ayaa sheegay maanta oo Jimca ah in nin Soomaali ah uu mindi ku weeraray saddex qof, magaalada Melbourne, isagoo mid ka mid ah dilay, ka hor inta aysan boolisku toogan.
Daraasad la baahiyey Khamiistii ayaa sheegtay in dagaalka Mareykanka uu hoggaaminayo ee ka dhanka ah argagixisada uu dad dhan nus milyan qof ku dilay dalalka Afghanistan, Iraq iyo Pakistan, 17-kii sano ee tegay.
Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa maanta sheegay in dowladdiisa ay hayso xog cusub oo ku saabsan dilka weriyaha Sacuudiga Jamaal Khaashuqji, islamarkaana ay dadweynaha usoo bandhigi doonaan caddeymaha.
Ninka qaba haweeney kirishtan ah, oo sideed sano xabsi ku yaalla dalka Pakistan ugu jirtay eedeymo la xiriira inay aflagaadeysay nebi Muxamed NNKH ayaa ka codsaday madaxweyne Donald Trump inuu magan-galyo siiyo.
Maxkamadda Sare ee racfaanka dalka Bahrain ayaa maanta xakun xabsi daa’in ah ku ridday saddex xubin oo ka tirsan mucaaradka dalkaasi.
Reysal wasaare ku xigeenka dalka Talyaaniga ahna wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi, Matteo Salvini, ayaa sharci ku aaddan xaddidda soo galootiga soo saaray dhawaantan.
Diyaarad milatari oo sidday saraakiil sare ayaa ku dhacday gobolka gableedka dalka Afghanistan ku yaalla ee Farah, halkaasi oo ay ku dhinteen 25 qof oo diyaaradda saarnaa.
Diyaarad ay leedahay shirkadda Lion Air, oo ay sarnaayeen 189 qof oo rakaab iyo shaqaale ah ayaa ku dhacday badda, waxyar un kadib markii ay ka kacday magaalada Jakarta, sida ay sheegtay hay’adda musiibooyinka dalka Indonesia.
Hay'adda qaxootiga u qabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay lacag malaayiin dollar ah siinayso in ka badan 150 kun oo qof oo aad u nugul, kuwaasi ooe ka mid ah dadka ku baro kacay dagaalka in ka badan sadex sano ka socda dalka Yemen.
Madaxwenaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ku booriyey Sacuudiga inay shaaca ka qaadaay halka uu yaallo meydka suxufiga Sacuudiga ee la dilay Jamal Khashoggi.
Kuwo kale