Xukuumadda Turkiga ayaa dhawaan soo saartay amar ay ugu ogolaanayso haweenka ciidanka ku jira inay xidhan karaan Khamaarka madaxa la saarto ama Xijaab, taas oo hore aan haweenka loogu ogolayn.
Saraakiisha Milatariga Iraq ayaa sheegay in ciidamadooda Mareykanka uu taageero ay qabsadeen garoonka diyaaradaha magaalada Mosul oo ay kooxda Daacish maamuleysay tan iyo sanaddii 2014.
Qarax is-miidaamin ah oo babauur loo adeegsaday ayaa ugu yaraan 35 qof ku dilay, islamarkaana tiro kale ku dhaawacay xaafad ku taalla Syria kuna dhow magaalada al-Bab, maalin kadib markii ciidamada Turkiga ay kooxda Daacish ka qabsadeen magaaladan muhiimka ah.
Ra’iisal Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa sheegay in tijaabada Kuuriyada Woqooyi ay ku samaysay gantaan ay u ridday dhinaca biyaha dalka Japan inay tahay arrin aan loo dulqaadan Karin.
Saraakiisha Waqooyiga Galbeed ee dalka Afghanistan ayaa sheegay in qof la tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay kooxda Taliban uu dilay ugu yaraan sideed booliis ah, maalmo un kadib markii uu isa soo dhiibay, oo uu boliiska kusoo biiray.
Ururka Isutaga Ardeyda Kanada, Canadian Federation of Student waxaa uu u dhaqdhaqaaqaa xuquuqda ardey dhigato waxbarashada sare ee Kanada, sida macadyada iyo jaamacadaha.
Booliska magaalada Quebec ee dalka Canada ayaa arday Jaamacadeed oo Faransiis-Canadian ah kusoo oogay dacwado la xiriira weerarkii lagu qaaday masaajid ay leeyihiin Musilmiinta magaaladaasi.
Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday masjid ku yaalla magaalada Quebec City ee dalka Canada, goor dambe oo axaddii ahayd, halkaasi oo uu ku dileen lix qof, kuna dhaawaceen sideed kale.
Wasiirka Socdaalka iyo Sinjiyada Kanada, Axmed Dirir Xussen ayaa VOA ugu waramey sida ay Soomaalida iyo sinjiyadaha kale ee Muslimiinta ah ee dhalashada Kanada haysta ay u saameynayso goaanka Madaxweynaha Mareykanka uu uga mabnuucay galintaanka dalkaas.
Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkan Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu heysto ikhtiyaarro badan oo ku saabsan sida ugu haboon ee ay Mexico u bixi karto derbiga uu rabo inuu ka dhiso xadka uu Mareykanka la wadaago dalka Mexico.
Kuwo kale