Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa howgallo ka wada deegaano iyo tuulooyin ku xeeran degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay dhawaan ka saareen maleeshiyada ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa sheegay in maanta ciidamada dowladda ee magaalada Baardheere ay toogasho ku dileen haweeyneey ay sheegeen inay dooneysay inay isku qarxiso saldhig boolis oo gawaarida lagu baaro.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad “Oomaar” ayaa ka jawaabay cabasho ay shirkadaha diyaaradaha dalka ka muujiyeen shirkadaha ajaaniibta ah ee dalka ka howlgala
Dowladda Mareykanka ayaa faahfaahin ka bixisay kulan shalay Muqdisho ku dhex maray kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha siyaasadda, David Hale iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dawladda Soomaaliya ay maanta galeen degmada Awdheegle ee Gobolkaasi.
Ugu yaraan laba qof ayaa maanta lagu dilay mid kalana waa lagu dhaawacay rasaas ay koox dabley ah ku fureen gaari rakaab waday oo marayay degaan lagu magacaabo Masaley oo hoostaga degmada Balcad ee gobalka Shabellaha Dhexe..
Dawladda Soomaaliya ayaa toogatay maanta laba nin oo lagu helay inay ka tirsanaayeen maleeshiyada ururka Al-Shabaab, islamarkaana ay ku lug lahaayeen weerarro iskugu jira qaraxyo iyo khaarajin oo lala beegsaday muwaadiiniin iyo hay’ado Soomaaliyeed.
Kuwo kale