Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in isaga, madaxweynaha iyo RW ay maanta kulan gaar ka yeesheen dagaallada ka soo cusboonaadey deegaanka Xeraale, iyo agagaarka degmada Cadale, iyagoo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo.
Ciidamada dowladda Somalia ayaa ayaga oo ka cabanaya mushahar la'aan, ka baxey furumihii dagaalka ee deegaano ay hore u joogeen, taasi oo keentey in Al-Shabaab ay deegaanadaas la wareegaan.
Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay qabsatay magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo sacaado ay haysteen kadib markii dagaal ay kusoo qaadeen.
Dagaal shalay ka dhacay degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 20 qof waxaana ku dhaawacmay dad kaloo badan oo aan tiradooda la cayimin.
Qurbe waxa uu todobaadkan ku saabsan yahay xaallada Qurbejoogta Soomaalida ee dalka Qadar. Waxana ku marti ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qadar, Cabdirisaaq Faarax Cali-Taano.
Sida ay sheegayaan wararka degaanka laga helayo dagaalka ayaa saaka waabarigii ka bilaawday tuulo lagu magacaabo Burdheere halkaas oo sannadahii ugu dambeyay uu ka taagnaa muran dhuleed u dhaxeyay beelaha ay malayshiyaadkoodu dagaalamayaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa inuu xadhiga ka jaro dhismaha cusub ee safaaradda Djibouti ay ka dhisatay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Wadanka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Mqudisho,waxaana garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxmaed Cabdulaahi Farmaajo.
Wararka ka imaanaya deegaanka Yaaq beriweyne ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay xiisad dagaal ka taagneyd ilaa iyo shalay, ka dib markii maleeshiyo gacan saar la leh ciidamada dowladda ay halkaa ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan maleeshiyada al- Shabab.
Kuwo kale