Ninkii ka dambeeyey qaraxyo baabuur oo sanaddii 2017, 26 qof ku dilay islamrkaana 40 kale ku dhaawacay magaalada Muqdisho, ayaa maanta xukun dil ah lagu filiyey, sida uu uu sheegay dacwad oogaha maxkamadda milatariga Soomaaliya.
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington, waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Cabdixakim Maxamuud Shirwac.
Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka tirsanaa Telefishanka Universal ayaa ka mid ahaa ugu yaraan 20 qof oo ku dhimatay labo qarax oo maanta lala beegsaday agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Deegaan hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa inay wali ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dagaal laba maleeshiyo halkaasi shalay ku dhexmaray, kaas oo ay ku dhinteen 10 qof.
Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan qubanayaal ku saabsan Somalia, waxaana soo jeedinaya wariye Jamaal Axmed Cusmaan
Dalka Denmark ayaa soo saaray sharci cusub oo ku qasbaya dadka qaadanaya dhalashada dalkaasi in maalinta la dhaarinayo ay gacan-qaadaan mas’uuliyiinta guddoonsiinaysa dhalashada.
Baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay soo saaray warqad uu ku sheegay in mooshinkii dhawaan laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu buray.
Waftiyo ay kala hoggaaminayaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Muxumed Cumar, ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalo-xuduudeedka Wajaale, gaar ahaan dhinaca Somaliland.
Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in mooshinkii xil ka qaadista ee xildhibaanada kasoo gudbiyeen madaxweyne Farmaajo dib looga noqday.
Kuwo kale