Saraakiisha milatariga Mareykanka iyo qubarada falanqeya arrimaha ciidamada ayaa ka digaya in lagu deg dego in ciidamada Mareykanka ay ka soo baxaan Siiriya, arrintaas oo uu soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump
Fariin dhinaca Twitterka ah oo uu Arbacadii shalay soo diray ayaa Mr Trump uu ku yiri “Annagu dagaal ganacsi kulama jirno Shiinaha, dagaalkaasna sanado ka hor ayaa lagaga guuleystay dadkii nacasyada ahaa ee wax ma tarayaasha ahaa ee Maraykanka soo hogaaminayey.”
Afarta bisha April ee maanta, waxey ku beegantay 50 sanadood ka dib markii la qaarajiyay, halgamaagii xuquuqda madaniga ah ee dadka madow ee Mareykanka, Dr. Martin Luther King Jr.
Boqolaal Ruux oo cagahaooda maalaya ayaa Mareykanka kaga soo wajahan xadka koofureed ee uu Mareykanka la wadaago Mexico.
Booliska gobolka California ayaa xaqiijiyay dhawaaca saddex ruux kadib marki haweeney ku hubeysneyd bistoolad ay rasaas ku furtay dad ku sugnaa Xarunta ugu weyn Website-ka laga daawado muuqaalada ee Yutube ee ku taalla magaalada San Francisco.
Xarumaha ka shaqeeya dib u dejinta dadka qaxootiga ah ee soo gala dalkan Mareykanka ayaa billaabay inay dhimaan shaqaalahooda, isla markaana soo yareeyay howlihii ay hayeen iyagoo awaamiirta ka qaadnayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka
Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka Sarah Huckabee Sanders ayaa sheegtay in madaxweyne Donald Trump uu soo jeediyey in Aqalka Cad uu noqdo halka uu ka dhacayo kulan ay suurta gal tahay inuu la yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Dowlada Mareykanka ayaa is hortaagtay mooshin uu soo diyaariyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay kaas oo ku baaqaya in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo rasaas nool oo toos ah oo ay ciidamada milatariga Israel u adeegsadeen kumannaan Falastiiniyiin ah oo ku mudaaharaadayay Marinka Gaza.
Qareen Jonathan Ryan oo u dooda Soomaali ku xiran Maraykanka ayaa sheegay in dadkii dhawaan la qabqabtay ay ku nool yihiin xaalado adag oo loogu geysto xabsiyada dhexdooda.
Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka, Jim Mattis ayaa ku canaantay Ruushka dabaceedahooda mas’uuliyadda ka fog iyo halisahooda sida uu yiri Mattis.
Suuqyada ganacsiga dunida ayaa ku dhawaaday inay sara kacaan, balse waxa ay Isniinta maanta aheyd mid aan xasilooneyn, kadib cabsida laga qabo in ganacsi dagaal uu dhex maro labada dowladood ee leh awood dhaqaale, ee Mareykanka iyo Shiinaha.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa beddalay la taliyihiisii dhanka ammaanka qaranka oo noqonaya kii ugu danbeeyey saraakiil sar sare oo ka mid ha maamulkiisa oo shaqada ka tegay muddada 14kii bil ee uu xilka hayo ah.
Kuwo kale