Madaxweynihii hore ee Mareykanka George H. W. Bush ayaa la sheegey in ay xaaladdiisa ka soo reynayso, kadib markii isbitaal loo dhigay infegshenka dhiigga ku dhaca oo noloshiisa halis geliyay, sida ay qoyskiisa ku sheegeen war ay soo saareen.
Aqalka Cad ayaa Isniintii shaaca ka qaaday in yoolka ugu danbeeya ee wadahadallada madaxweyne Trump la yeelan doono hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu yahay buburinta hubka niyukleerka.
Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu doonayo inuu aqbalo casuumaad uu u fidiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si ay ugu kulmaan Washington.
Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Moon Jae-in ayaa sheegtay in Waqooyiga Kuuriya aysan wax shuruuda ah ku xirin kulanka la filayo in uu dhexmaro madaxweyne Trump iyo madaxweyne Kim Jong-un.
Xeer-beegti ku sugan magaalada Garden City, gobolka Kansas ee dalka Maraykanka ayaa Arbacadii shalay dambi ku helay 3 nin oo caddaan ah oo doonayey inay qarxiyaan guri iyo masjid ay leeyihiin dad Soomaali ah oo gobolkaas deggan.
Mid ka mid ah saraakiisha booliiska Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa loo dallacsiiyey darajada Saajin, iyada oo dalacsiintan ay imanayso xilli dambiyo lagu soo oogay mid ka mida ah saraakiishaas booliiska Soomaalida ah
Barbara Bush, haweenaydii hore ee Maryakanka George Bushkii weynaa ayaa habeenkii xalay ahaa geeriyootay, iyada oo 92 jir ah, waxayna ka tagtey odeygeeda oo isaguba aad u xanuunsan, 5 caruur ah oo ay dhaleen, xaasaskooda iyo caruurta ay sii dhaleen.
Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka ayaa ku warramay in agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Gudaha Mareykanka ee CIA Mike Pompeo uu tagay magaalada Pyongyang halkaas oo la sheegay inuu wadahadallo qarsoodi ah kula yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.
Nikki Haley, Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa digniin u dirtay Madaxweynaha Syria Bashar al-Assad Axaddi shalay
Dowladaha Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ayaa xalay duqeymo ay kaga jawaabayaan sunta la sheegay in dowladda Suuriya ay u adeegsatay dadkeeda magaalada Duma ka fuliyay gudaha wadanka Suuriya. Duqeynta ayaa siyaabo kala duwan looga falceliyey.
Taliska Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa sheegay inay duqayn ka gaysteen waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo, meel u dhow degaanka Jannaay Cabdalle, maalintii Arbacadii.
Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu qorsheynayo weerar gantaallo ah oo ay milatariga Mareykanka ku qaadaan Suuriya.
Kuwo kale