Madaxdii hore ee ololaha madaxweyne Donald Trump, Paul Manafort iyo Rick Gates ayaa cadaadis badan oo uga yimid gudiga baaraya faragelinta la sheegay in uu Ruushku ku sameeyey doorashadii Mareykanka ka dhacdey 2016, waxaa ay kala qaateen go-aamo kala gedisan. Rick Gates ayaa qirtey danbiyadi lagu soo eedeeyey labo ka mid ah, halka Paul Manafort uu wajahayo eedeymo horleh.