Qareen Jonathan Ryan oo u dooda Soomaali ku xiran Maraykanka ayaa sheegay in dadkii dhawaan la qabqabtay ay ku nool yihiin xaalado adag oo loogu geysto xabsiyada dhexdooda.
Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka, Jim Mattis ayaa ku canaantay Ruushka dabaceedahooda mas’uuliyadda ka fog iyo halisahooda sida uu yiri Mattis.
Suuqyada ganacsiga dunida ayaa ku dhawaaday inay sara kacaan, balse waxa ay Isniinta maanta aheyd mid aan xasilooneyn, kadib cabsida laga qabo in ganacsi dagaal uu dhex maro labada dowladood ee leh awood dhaqaale, ee Mareykanka iyo Shiinaha.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa beddalay la taliyihiisii dhanka ammaanka qaranka oo noqonaya kii ugu danbeeyey saraakiil sar sare oo ka mid ha maamulkiisa oo shaqada ka tegay muddada 14kii bil ee uu xilka hayo ah.
Urur ay ku mideysanyihiin ciidamada booliska Soomaali-Mareykanka ee gobolka Minnesota oo (SAPA) loo soo gaabiyo ayaa ayaa sheegay inay ka xunyihiin eedaha loo soo jeediyay Maxamed Noor oo horey uga tirsanaa booliska Magaalada Minneapolis.
Maxamed Nuur oo horey uga tirsanaa booliska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka ayaa xalay dammaanad lagu sii daayay.
Taliyaha ciidanka booliska magaalada Austin ee caasimadda gobolka Texas ee dalkan Mareykanka, Brian Manley, ayaa sheegay in ninka looga shakisanyahay inuu ka danbeeyay bambooyin lagu qarxiyay Austin uu moobeylkiisa ku duubay muuqaal 25 daqiiqo ah ka hor inta uusan is dilin.
War-saxaafadeed ay soo saareen taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaan Africom ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanku iyagoo gacan ka helaya dawladda faderaaliga ah ee Soomaaliya ay duqayn ay ka fuliyeen 19 kii bishan Maarso meel u dhaw tuulada Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen xagjirayaal, baabuurtoodana ay burburiyeen.
Maxamed Nuur oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska ee magaalada Minneapolis ayaa Talaadadii shalay la xiray, isaga oo lagu soo oogey inuu ula kac u dilay Justine Daimond oo ahayd haweenay u dhalatay dalka Australia.
Sarakiisha amaanka ee gobolka Maryland ee dhaca Koonfur Bari Magaaladan Washington ayaa sheegay in maanta ay toogasho ka dhacday Dugsi Sare oo halkaasi ku yaala oo la yirahdo Great Mills High School.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa go’aansaday in uu lataliyihiisa dhanka amniga qaranka, Herbert Raymond McMaster uu ka baddalo xilkaasi, sida uu baahiyey Wargeyska Washington Post, Khamiisti.
Wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi Ri Yong Ho, ayaa maanta oo Khamiis ah ku wajahan dalka Sweden, halkaas oo la filayo in laga abaabulo shir weyne ay suutagal tahay inuu dhexmaro madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.
Kuwo kale