Aksari ka mid ah ciidamada Mareykanka ee jooga Afganstan ayaa dhintay mid kalana waa la dhaawacay kadib marki uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada Afganstan gudaha magaalada Kabul.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa mar kale khamiistii abuuray cabsi ku saabsan dadka soo-galootiga ah ee aan sharciga lahayn, isaga oo ballan-qaaday amar madaxweyne oo xaddidaya dadka magangalyo doonka ah ee kasoo galaya xuduudda koonfureed ee Mareykanka.
Ugu yaraan laba gabdhood oo muslimiin ah ayaa la filayaa in markii ugu horraysay loo doorto Aqalka Congress-ka Maraykanka.
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay in weli ay toddobaadyo naga xigaan, ka hor inta Mareykanka uusan helin caddeymo ku filan si uu cunaqabateyn u saaro dadkii ka dambeeyey dilka suxufiga Sacuudiga, Jamaal Khaashuqji.
Iyada oo maalmo yar ay ka horsan yihiin doorashada xiliga dhexe ee Mareykanka ayaa waxaa jiro dad sii bilaabay in ay codkooda sii dhiibtaan.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa huriyey dood kulul oo ku aaddan xaqa ay caruurta Maraykanka ku dhasha ay u leeyihiin inay muwaadiniin noqdaan.
Safiirka Cusub ee uu dhawaan Madaxweyne Trump u magacaabay Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa xalay xubno ka tirsan bulshada Soomaalida Mareykanka kula kulmay gobolka Minnesota.
Wasaaradda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa 5,200 oo askari u direysa xuduudda Mareykanka iyo Mexico, si loola tacaalo muhaajiriin u dhashay dalka Honduras oo kusoo wajahan Mareykanka.
Cesar Sayoc, oo ah nin si aad ah u taageera madaxweyne Donald Trump, kaasi oo lagu eedeeyey in 13 xirmooyin oo ay ku jiraan aalado qarxa u diray dad kasoo horjeeda madaxweynaha, ayaa maanta kasoo hor-muuqan doona maxkamad.
Ayada oo koox muhaajiriin ah oo ka yimid dalalka bartamaha Amerika ay kusoo socdaan xuduudda waqooyi ee Mexico, ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu rajadooda ah inay soo galaan Mareykanka ugu yeeray “xaalad qaran oo deg deg ah”.
Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inay ka go’an tahay inuu ka baxo heshiis lagu xakameynayo hubka oo Mareykanka uu Ruushka la galay 1987-kii.
Wiilka oo ku nool Columbus, Ohio oo lagu magacaabo Mohamed Abdullahi ayaa lagu soo eedayay inuu ku lug lahaa dilka iyo gubista gabar cadaan ah oo 23 jir ah oo 14kii bishan la dilay
Kuwo kale