Waxaa xaley soogabagaboobey codbixinti ergada loo yaqaan Electrol college oo ah kuwa doorta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka kadib codbixinta guud.
Ergo codeedka gobollada Mareykanka ee loo yaqaano Electoral College ayaa maanta lagu wadaa in ay si rasmi ah ugu codeeyaan in Donald Trump uu noqdo madaxweynaha cusub ee Mareykanka.
Dhawaan ayaa waxaa ay burcada internetku jabsatey boga internetka ee shirkadda Yahoo, iyagoo heley xogaha malaayiin qof oo isticmaasha Iimeeylada iyo hababka kale ee isgaarsiinta ee shirkadu isticmaasho.
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa madaxa shirkadda ExxonMobil, Rex Tillerson u magacaabay xoghayaha cusub ee arrimaha dibedda.
Dowladda China ayaa maanta sheegtay in “Walaac dhab ah” ay ka qabto hadal kasoo yeeray madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo su’aal ka keenay in Mareykanka uu sii wado siyaasadiisa “Hal China” illaa dowladda China ay ka sameyso tanaasullo ganacsi.
Xaliima Aadan oo ah gabar Somali Mareykan ah ay ay noqotey gabadhii ugu horeysay ee iyadoo xiran dhar asturan iyo Xijaab ay tartantey, Tartanka quruxda oo lagu qabtey magaalada Minneapolis.
Madaxweynaha dalkan Maraykanka Barack Obama ayaa amar ku siiyey hay’adaha wardoonka ee Maraykanka inay si sal-ballaadhan dib ugu eegaan wararka la xidhiidha in Ruushku uu jabsaday agabkii doorashooyinka Maraykanka ee sannadkan dhacay.
Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in loogu gurmado dadka abaartu saamaysay, Waiyaha VOAda ee gobolka Minnesota ayaa waraysi la yeeshay laba dhalinyaro ah oo olole u galay sidii qaaraan loogu ururin lahaa abaaraha Somalia.
lhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhawaan loo doortey aqalka wakiilada ee gobolka Minnesota ayaa sheegtay inuu handadey wadihii taksi ay raacday.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa shaley jeediyey khudbadiisii ugu danbeysey ee ammaanka qaranka.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sii wadda inay muwaadiniinteeda uga digto halista uga iman karta u safarka dalka Ethiopia.
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta si rasmi ah ugu dhowaaqo xoghayaha cusub ee gaashaandhigga Mareykanka, marka uu booqdo gobolka North Carolina.
Kuwo kale