Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maraykanka Barack Obama ayaa Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka kusoo dhoweeyey Madaxweynaha la doortay Donald Trump.
Ayaga oo sita boorar, islamarkaana ku cambaareynaya madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump inuu yahay cunsuri, ayaa kumanaan dibad baxayaal ah waxay qaadayaan waddooyinka magaalooyinka waa weyn ee Mareykanka.
Hillary Clinton oo ahayd musharrixii Dimoqraadiga ee looga adkaaday doorashaday, ayaa taageerayaasheeda ugu baaqday inay madaxwynaha la doortay Donald Trump ay la shaqeeyaan. Madaxweyne Obama wuxu sheegay inay ka taageerayaan Trump sidii uu u guuleysan lahaa.
Madaxa laanta Af-Soomaaliga, Cabdiraxmaan Yabarow ayaa falanqeynaya guushii uu xalay gaaray Donald Trump.
Madaxda dunida ayaa u hambalyeeyey Donald J. Trump oo doorashadii Talaadada ee dalka Maraykanka ku guuleystay inuu noqdo madaxweynaha xiga ee Maraykanka.
Donald Trump ayaa loo doortay in uu noqdo madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka kadib guul aan marnaba laa saadaalin oo uu ka gaaray doorashooyinkii dhacay, sidaasi waxaa werisay wakaaladda wararka ee AP.
Goobaha codbixinta ee gobollada qaarkood ayaa la soo xirayaa, waxaana soo baxaya natiijooyin hordhaca ah.
Ku soo dhawaada tebinteenna caawa (November 08, 2016) ee doorashada Mareykanka. Waxa si wada jir ah idin la socodsiinaya Ibraahim Xasan Daandurey iyo Maxamed Colaad Xasan.
Dadweynaha Mareykanka ayaa maanta u dareeraya goobaha codbixinta ayaga oo dooran doona madaxweynaha cusub ee dalka hoggaamin doona afarta sano ee soo socota.
Kuwo kale