Sudan ayaa taariikh ahaan waxaa lagu yaqaan miltari awoodda afgambi kula wareega, waxaana dalkaas hadda uu ku jiraa xaalad kacsan, ayada oo mar kale ay awoodda gacanta ku hayaan militariga.
QM ayaa ku baaqeysa baaritaan lagu sameeyo dilka shan caruur iskuul ah oo ka dhacay dibad-baxyada ka socda dalka Sudan, xilli dibad-baxayaasha ay ku cadaadinayaan militariga xukuma dalkaas inay soo wareejiyaan talada.
Ugu yaraan 150 oo tahriibayaal African ah ayaa lagu la’ayahay badda Meditareeniyaanka, waxaana laga cabsi qabaa inay badda ku hafteen.
Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo mintidiin diiday inay saxiixaan heshiis nabadeed ayaa talaadadii ka qarxay meel u dhow magaalada Jubba ee caasimadda dalka South Sudan, waxaas sidaa sheegay koox mucaarad ah.
Wasiirka maaliyadda Kenya ayaa maanta la xiray laguna soo oogay dacwado la xiriira musuq-maasuqa dhismaha laba biyo-xireen, waxaa sidaas maanta sheegay dacwad oogaha guud ee Kenya.
Shirkadda diyaaradaha dalka Germany ee Lufthansa ayaa Axaddii shalay joojisay duulimaadyadii diyaaraddaasi ku tagaysay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in maanta duhuraddii magaalada lagu xiray sadex nin oo ka tirsan Gudiga Dhismaha wadada magaalada Bosaso.
Bangiyada ku shaqeeya nidaamka Islaamiga oo bar yahan dambe aad uga shaqeyn jiray magaalada caasimadda ah Jabuuti ayaa haatan bilaabey iney ka hawl galaan magaalooyinka iyo gobolada kale ee uu ka kooban yahay dalkaas Jabuuti.
Golaha ku meel gaarka ee haya xukunka dalka Sudan iyo Isbaheysiga kooxaha mucaaradka ayaa arbacadii shalay Khartoum si rasmi ah ugu kala saxiixday heshiis awood qeysi ah.
Muddaharaadayaasha Sudan iyo Jeneraallada maamula dalkaaasi ayaa Arbacada maanta qalinka ku duugey heshiis dhigaya in la sameeyo maamul rayid ah, kaas oo ay dalbanayeen dibad-bax sameeyayaasha tan iyo markii xilka laga tuurey madaxweyne Cumar Xasan al-Bashiir 3 bil ka hor.
Maxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyada ee loo soo gaabiyo ICC ayaa maanta hogaamiyihii hore ee fallaagada dalka Congo, Bosco Ntaganda ku heshay dhamaan 18 dacwadood oo lagu soo oogay oo isugu jiray danbiyo dagaal iyo danbiyo ka dhan ah aadanaha.
Kuwo kale