Wararka ka imanaya Jabuuti waxay sheegayaan in la helay maydka ilaa 53 ka mid ah dadkii ku dhintay dooni ay la socdeen dad tahriibayaal ah, xeebta Obokh ee dalka Jabuuti maalintii shalay.
Khilaaf u dhexeeyey guddoomiyaha xisbiga dowlad deegaanka Soomaalida iyo Madaxweynaha ismamaulka Soomaalida Itoobiya ayaa la soo afjarey.
Dowladda Sacuudiga ayaa xabsiga kasii daysay Sheikh Mohammed Hussein al-Amoudi oo ah bilyaneer u dhashay dalka Ethiopia, kaasi oo bishii November ee 2017 loo xiray olole ka dhan ah musuq-maasuqa.
Af-hayeenka Ururka ONLF oo ka hadlay shirkii dhex maray Mustafe Cagjar, madaxweynaha gobolka Soomaalida iyo Axmed Shide, guddoomiyaha xisbiga tallada haya oo maalmahan khilaaf siyaasadeed uu u dhaxeeya ayaa sheegay in guulo la gaaray
Guddoomiyaha gobolka Tana River ee dalka Kenya, Daado Godana ayaa sheegay in xerada qaxootiga ee Dhadhaab albaabada la isugu dhufto taasoo uu ku macneeyay in ay marin u tahay kooxda Alshabaab.
Dhowr qof ayaa loo xirey qaraxii Hotel DusitD2 kuwaasoo ehel la ah qaarkood raggii looga shakisanaa inay ka dambeeyeen qaraxaasi
Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada nairobi ayaa maanta halkaasi ka oogay banaanbax ay uga soo horjeedaan weerarkii talaaladii ka dhacay magaalada Nairobi.
Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Kenya, waxaa sare u kacday tirada khasaaraha dhimasho ee ka dhashey weerarkii lagu qaadey hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi.
Xubnaha golaha ammaanka QM ayaa si xooggan u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee 15-kii bishan lagu qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.
Kuwo kale