13 askari oo ka tirsan ciidamada Faransiiska ayaa ku geeriyooday dalka Mali kadib markii ay isku dhaceen laba diyaarad oo helicopter ah, xilli ay ku guda jireen howl-gal ka dhan ah jihaadiyiinta waqooyiga dalkaas, waxaa sidaas maanta sheegtay madaxtooyada Elysee.