Washington, DC — Barnaamijka Martida Makrafoonka waxa uu ku saabsan yahay sanadka cusub ee 2025-ka iyo mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya. Waxaa Barnaamijka marti ku ah Cabdinuur Daahir oo ah cilmi-baare Soomaaliyeed. Waxaa soo diyaariyay siina jeedinaya Xuseen Barre Aadan.
Muqdisho — Barnaamijka Martida Makrafoonka waxaa marti ku ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xassan, waxaana uu ka hadlayaa heshiisyo dhowr oo ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Tanzania.
Ku soo dhowaada Barnaamijka Martida Makarafoonka. Barnaamijka toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay falanqeyn ku aaddan xiisadda kacsan ee ka dhex aloosan dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland. Barnaamijka waxaa marti ku ah Prof. Liibaan Ciise oo Bare ka ah Jaamacadda Muqdisho.
Ku soo dhowaada Barnaamijka Martida Makarafoonka. Barnaamijka toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay falanqeyn ku aaddan waxa iska baddali kara hannaanka socdaalka iyo soo galootiga ee Mareykanka marka uu talada la wareego Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump.
Barnaamijka toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay falanqeyn ku aaddan kaalinta ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah ATMIS oo ay Soomaaliya ku dhawaaqday in ciidanka Itoobiya aysan ka mid noqon doonin ciidamada howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM loo soo gaabiyo.
Barnaamijka toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay siyaasadaha gudaha iyo dibadda ee musharraxiinta madaxtinimada Mareykanka Kamala Harris iyo Donald Trump. Waxaa marti ku ah Maxamed Shiikh Xuseen oo ah falanqeeye ka faalloda siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Ku soo dhowaada Barnaamijka Martida Makarafoonka. Barnaamijka toddobaadkan waxaa marti ku ah Dr. Cabdinuur Shiikh Maxamed oo ah Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Barnaamijka waxaa soo saaray soona jeedinaya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.
Ku soo dhowaada Barnaamijka Martida Makarafoonka. Barnaamijka toddobaadkan waxaa marti ku ah Muuse Xassan Yuusuf oo ah guddoomiyaha Komishinka Doorashooyinka Somaliland. Barnaamijka waxaa soo saaray soona jeedinaya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.
Ku soo dhowaada Barnaamijka Martida Makarafoonka. Barnaamijka toddobaadkan waxaa marti ku ah Cabdulqaadir Nuur Xuseen Maax oo ah qoraa iyo bare soona noqday Guddoomiyaha Akadeemiyadda Af-Soomaaliga oo ka hadlaya taariikhda Maalinta Calanka iyo wacyiga dhallinyarada xilligan iyo calanka Soomaaliya.
Ku soo dhowaada Barnaamijka Martida Makarafoonka. Barnaamijka toddobaadkan waxaa marti ku ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar (Cali Balcad) oo nagu soo booqday xarunta VOA ee magaalada Washington, DC.
Kuwo kale