Caalamka - VOA
Caalamka - VOA
        <language>so</language>
Taliye Sare oo Daacish Laga Dilay
            <description>Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee kooxda argagixisada ah ee Islamic State (Daacish) ayaa la dilay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Mareykanka iyo Ciraaq, kadib howlgal wadajir ah oo bartilmaameedkiisu ahaa hoggaanka kooxda.
Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Mohammed Shia al-Sudani ayaa shaaca ka qaaday guusha hawlgalka, isagoo Jimcihii bartiisa X ku sheegay in hay’adda sirdoonka Ciraaq ay "si guul leh u khaarijisay" Abdallah Makki Muslih al-Rufay’i, oo ahaa ku-xigeenka hoggaamiyaha IS. Sudani...</description>
            <category>Caalamka</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/08fcb8d1-a3cb-4eab-3617-08dd5c897904_w800_h450.png" length="0" type="image/png"/>
Mareykanka oo eryay safiirkii Koofur Africa u fadhiyay Washington
            <description>WASHINGTON — Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii shalay ceyrisay safiirka Dowladda Koofur Africa u fadhiya magaaladan Washington, kaddib marki ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ku eedeysay in uu yahay siyaasi hurinaya isir-naceyb.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa bayaan uu Jimcihii soo saaray ku sheegay, in danjire Ibraahim Rasuul aan hadda kaddib laga soo dhaweyneyn Mareykanka, isaga oo ugu yeeray in uu yahay qof neceb Mareykanka iyo Madaxweyne Donald...</description>
Dalalka G7 oo Ruushka ku boorriyay in uu aqbalo xabbad joojin
            <description>OTTAWA — Diblomaasiyiinta ugu sarreysa dalalka la isku yiraahdo G7, ayaa Jimcadii shalay Ruushka ugu baaqay, inuu aqbalo xabbad-joojintii uu Mareykanku soo jeediyay si loo soo afjaro dagaalka Ruushka iyo Ukraine, haddii kalana uu wajaho cunaqabateyn dheeri ah.
"Waxaan ugu baaqnay Ruushka inuu si siman u aqbalo xabbad-joojinta, una hirgeliyo si buuxda," ayaa lagu yiri bayaan wadajir ah oo ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 kasoo saareen shirka ay ku yeesheen Canada. 
Wasiirrada ayaa sheegay...</description>
            <category>Caalamka</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/b1f26314-3f69-4076-0962-08dd5c8b1668_w800_h450.jpg" length="0" type="image/jpeg"/>
Madaxweynaha Suuriya oo saxiixay dastuur ku-meel gaar ah
            <description>Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Suuriya ayaa Khamiistii shalay saxiixay dastuur ku-meel-gaar ah oo dalka ku hoggaamin doona dowlad Islaami ah muddo shan sano ah, inta lagu jiro marxaladda kala-guurka ee lagu doonaayo in lagu soo dhiso maamul rasmi ah.
Warbixin ay arrintan ka qortay VOA, waxaa noo soo koobaya Cabdulqaadir Maxamed Mursal.
            <category>Caalamka</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/9c59caba-8948-4e6a-b2f5-5c24a6d5741d_cx0_cy7_cw0_w800_h450.jpg" length="0" type="image/jpeg"/>
Afghanistan oo iska fogeysay weerarkii tareenka ee Pakistan
            <description>Kabul — Taalibaanka Afghanistan ayaa diiday eedeynta Pakistan ee ah in afduubkii Talaadadii ee tareen, dadna ay ku dhinteen uu ahaa mid qorsheysnaa lagana soo abaabulay dhulka Afghanistan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Afgaanistaan, bayaan ay shalay soo saartay, ayeey eedeynta Pakistan ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn.
Maleeshiyaad lala xiriirinayo xoogagga Xoreynta Baloch ee la mamnuucay ayaa weerar ku qaaday tareen rakaab saarnaa meel u dhow Sibi, Balochistan, iyagoo...</description>
            <category>Caalamka</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/c58f8bc7-1cf6-4162-0f11-08dd5c8d307c_w800_h450.png" length="0" type="image/png"/>
Waa ayo, maxayse rabtaa kooxda gooni-u-goosadka Pakistan ee BLA?
            <description>Gobolka la dayacay ee Balochistan, oo ku yaalla koonfur-galbeed Pakistan, ayaa muddo sanado ah la daalaa dhacayay kacdoon hubaysan, iyadoo weerarradii ugu dambeeyay ee sii kordhaya ay muujinayaan caqabadaha ay dowladda Islamabad kala kulmayso sugidda amniga.</description>
La-haystayaasha Israel ee la sii daayey oo hadlay 
            <description>Jerusalem  — La-haystayaasha Israa’iil ee dhawaan laga sii daayay ee Gaza ayaa ka hadlay xaaladihii adag ee ay ku qasbanaayeen inay u adkaystaan mudadii 16-ka bilood ahayd ee ay ku jireen gacanta kooxda Xamaas, oo Mareykanku u aqoonsan yahay urur argagixiso.
Waxay sheegeen in ay gaajo la macluuleen, qaar ka mid ahna la jir dilay.
Dad badan ayaa ammaanay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, dadaalkiisii lagu soo celiyay xorriyadda la-haystayaashan, iyagoo rajeynaya in dadaalkiisu horseedi...</description>
            <category>Caalamka</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/02e35f43-5cd8-4241-9be3-a2acdfeaf916_w800_h450.jpg" length="0" type="image/jpeg"/>
Guterres oo dib u habayn ku sameynaya QM
            <description>New York — Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa Arbacadii sheegay inuu bilaabayo dib-u-eegis qoto dheer oo lagu sameynayo hay’addan caalamiga ah si kor loogu qaado waxtarkeeda loona dhimo kharashyada, xilli ay la tacaalayso xaalad dhaqaale oo sii xumaaneysa.
“Khayraadku wuu sii yaraanayaa – muddo dheerna sidaas bay [arrintu] soo ahayd,” ayuu u sheegay wariyeyaasha.
Wuxuu sheegay in hindisahan – oo loo bixiyay UN80, maadaama Qaramada Midoobay sanadkan u dabaaldegayso...</description>
Dalalka G7 oo ku kulmaya Quebec, Canada
            <description>Quebec — Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka horumaray ee G7 ayaa la filayaa inay isugu yimaadaan wadahadallo socon doona maalmo dhowr ah, kuwaas oo ka dhici doona magaalada Quebec ee dalka Canada. 
Kulammadan ayaa diiradda saari doona soo afjaridda dagaalka Ruushka iyo Ukraine iyo taageeridda Ukraine, oo saddex sano dagaal kula jirtay Ruushka.
Wadahadalladan ayaa yimid kadib go’aankii Mareykanka uu dib ugu billaabay wadaagga sirdoonka iyo taageerada milatari ee uu siiyo Ukraine, kadib...</description>
Midowga Yurub oo canshuur aargudasho ah ku soo rogay Mareykanka
            <description>Midowga Yurub ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqay tallaabooyin ganacsi oo aargudasho ah, iyagoo soo rogay cashuuro cusub oo lagu kordhinayo badeecadaha warshadaha iyo wax-soo-saarka beeralayda Mareykanka.</description>
Xuutiyiinta oo 'dib u billaabaya' weerarada maraakiibta Israel
            <description>Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa Talaadadii ku dhawaaqay inay dib u bilaabayaan weerarrada ka dhanka ah maraakiibta Israa’iil, kaddib markii uu dhammaaday waqtigii kama dambaysta ahaa ee ay u qabteen Israa’iil si ay dib ugu fasaxdo gargaarka la keenayo Gaza.</description>
            <category>Caalamka</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/ba680ab5-3741-49c5-be5a-28d60b3fcde4_cx0_cy11_cw0_w800_h450.jpg" length="0" type="image/jpeg"/>
Madaxweynihii hore ee Filibiin, Rodrigo Duterte oo la xiray - Maxaa lagu haystaa?
            <description>Madaxweynihii hore ee Filibiin, Rodrigo Duterte, ayaa Talaadada maanta ah la xiray—wax yar uun ka hor dhalashadiisa 80-aad—kaddib markii lagu soo oogay dacwad la xiriirta xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.</description>
Dolwadda Suuriya iyo Ciidamada Kurdiyiinta oo heshiis gaaray
            <description>Dimishiq — Madaxtooyada Suuriya ayaa Isniintii ku dhawaaqday heshiis ay sheegtay in Isniintii shalay ay kala saxiixdeen Dowladda Suuriya iyo kooxda hubeysan ee Kurdiyiinta Suuriya ee loo soo gaabiyo SDF.
Dhinacyada ayaa sheegay inay ku heshiiyeen in SDF, oo maamusha gobolka Waqooyi-bari, ay ku biirto dowladda cusub, isla markaana ay ciidamadoodu la midoobaan kuwa dowladda.
Maamulka cusub ee Suuriya, oo uu hoggaamiyo madaxweynaha ku-meel-gaarka ah Axmed Al-Sharaca, ayaa isku dayaya inuu...</description>
            <category>Caalamka</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/53070de9-9c5f-4656-309a-08dd5c897904_w800_h450.jpg" length="0" type="image/jpeg"/>
Kooxaha mayalka adag ee Israel oo taageeray qorshaha Trump ee Gaza
            <description>Gaza — Kooxaha mayalka adag ee Israa’iil ayaa soo dhaweeyay qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku saabsan mustaqbalka Gaza, kaas oo ku baaqaya in 2 milyan oo Falastiiniyiin ah laga raro Gaza. Waxay sheegeen in dhiirrigelinta qaxootinimada aysan jebinayn sharciga caalamiga ah.
Falastiiniyiintu waxay si cad u diideen qorshahan.
Wariyaha VOA-da, Linda Gradstein, ayaa warbixintan nooga soo dirtay Qudus, halka Xuseen Maxamed uu inoo faahfaahinayo.
            <category>Caalamka</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/51509b5d-35f2-4deb-b999-4c1ea34306ba_w800_h450.jpg" length="0" type="image/jpeg"/>
Suuriya: Waxaan soo afjarnay howl-galladii ka dhanka ahaa haraadiga Assad
            <description>Wasaaradda difaaca ee Suuriya ayaa Isniinta maanta ah  ku dhawaaqday in la soo afjaray howlgal milatari oo ka dhan ah taageerayaasha madaxweynihii xilka laga tuuray, Bashar al-Assad.</description>
            <category>Caalamka</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/c898829c-9fd9-4b4a-aa84-99268d50f478_cx0_cy3_cw0_w800_h450.jpg" length="0" type="image/jpeg"/>
Waa kuma Mark Carney - Ra'iisul Wasaaraha xiga ee Canada? 
            <description>Ottawa  — Xisbiga talada haya ee Liberal-ka ah ee dalka Canada ayaa shalay guddoomiye u doortay Mark Carney, oo 59 jir ah, horayna u soo noqday Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Canada.
Mark Carney, oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda, ayaa wajahaya mas’uuliyado culus, isagoo xilka kala wareegaya Ra'iisul Wasaare Justin Trudeau.
Haddaba waa kuma ninkaasi, maxaase horyaalla oo caqabado ah? Su’aalahaasi iyo kuwo kale ayuu wariyaha VOA ee Canada, Xuseen Nuur Xaaji, weydiiyay Maxamed Xasan, oo...</description>
Mark Carney oo noqonaya ra’iisul wasaaraha Canada
            <description>Ottawa — Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Canada, Mark Carney, ayaa shalay loo doortay hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee Liberal-ka Canada, taas oo waddada u xaareysa inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Canada maalmaha soo socda.
Carney, oo 59 jir ah, ayaa beddelaya Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau, oo bishii Janaayo ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka, balse xafiiska sii joogi doono inta laga dhaarinayo qofka isaga beddelaya. Carney ayaa ku guuleystay cod aqlabiyad ah, kaddib markii...</description>
            <category>Caalamka</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/b179dcad-ffa5-4bf2-b1d6-8538401248a1_cx0_cy2_cw0_w800_h450.jpg" length="0" type="image/jpeg"/>
Rubio oo maanta ku laabanaya Sacuudiga
            <description>Washington — Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah uu gaaro magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, halkaas oo la filayo in ay ka billowdaan wadahadallo u dhexeeya Mareykanka iyo Ukraine.
Socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Sacuudiga ayaa qeyb ka ah dadaalka uu maamulka Madaxweyne Donald Trump ku riixayo soo afjaridda dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.
Sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Dibadda, Rubio wuxuu hoosta...</description>
            <category>Caalamka</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/f7b3d73f-4bbf-4105-94e7-27ea761aa94e_cx0_cy7_cw0_w800_h450.jpg" length="0" type="image/jpeg"/>
Madaxweynaha Suuriya oo nabad ku baaqay  ka dib dagaal dhiig ku daatay 
            <description>Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac ayaa maanta oo Axad ah ah ku baaqay midnimo qaran iyo nabad, ka dib markii in ka badan 1,000 qof lagu dilay xeebaha Suuriya, iska horimaadyadii ugu xumaa tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-asad.
Waxaa noo faahfaahinaya wariyaha VOAda, Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.
In ka badan 1,000 qof oo lagu dilay Suuriya
            <description>DIMISHIQ — Kooxaha xuquuqda aadanaha ee kor kala socda xaaladda Suuriya ayaa Sabtidi sheegay, in ugu yaraan 1,000 qof lagu dilay isku dhacyo labadi maalin ee lasoo dhaafay ka dhacayay qeybo ka mid ah dalka Suuriya.
Isku dhacyada ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda cusub ee Suuriya iyo xoogag daacad u ah madaxweynihi xilka laga tuuray ee Bashar Assad. Wararka ayaa sheegaya in dadka la dilay qaar loo beegsaday heybtooda oo ah in ay kasoo jeedaan qowmiyadda Calawiga Shiicada ah ee laga...</description>
            <category>Caalamka</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/f8e689bd-f422-40f8-bfa7-28f65bdd77bb_w800_h450.jpg" length="0" type="image/jpeg"/>