Afrika - VOA
Afrika - VOA
        <language>so</language>
Mareykanka oo eryay safiirkii Koofur Africa u fadhiyay Washington
            <description>WASHINGTON — Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii shalay ceyrisay safiirka Dowladda Koofur Africa u fadhiya magaaladan Washington, kaddib marki ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ku eedeysay in uu yahay siyaasi hurinaya isir-naceyb.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa bayaan uu Jimcihii soo saaray ku sheegay, in danjire Ibraahim Rasuul aan hadda kaddib laga soo dhaweyneyn Mareykanka, isaga oo ugu yeeray in uu yahay qof neceb Mareykanka iyo Madaxweyne Donald...</description>
Dagaal laga cabsi qabo in uu dib uga qarxo Tigray 
            <description>Xiisado xooggan ayaa ka dhex taagan kooxaha iska soo horjeeda ee gobolka waqooyiga Itoobiya ee Tigray, xilli Faransiisku uga digay muwaadiniintiisa inay halkaas u safraan.</description>
            <category>Afrika</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/3edd4911-0aa0-4f1d-a7d4-254655c03956_w800_h450.jpg" length="0" type="image/jpeg"/>
Jabuuti: Iskaashi dhex-maraya hay'adaha dawladda 
            <description>Jabuuti — Dalka Jabuuti waxaa laga bilaabay hannaan ay hay’adaha dowladda ku wada shaqeynayaan si loo xoojiyo loogana horumariyo tayada adeegyada ay bixiyaan.
Strateejiyaddan cusub ayaa ujeeddadeedu tahay in si degdeg ah looga jawaabo baahiyaha soo food saara hawlgalka hay’adaha dowladda.
Warbixin arrintaas ka hadlaysa waxaa magaalada Jabuuti ka soo diray wariyaha Ramadan Muuse.
Biyo la'aan ka jirta deegaano ka mid ah dowlad deegaanka 
            <description>Jigjiga — Xilligan, geyiga Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa lagu jiraa xilliga jiilaalka, iyadoo goobo badan ay ka jirto biyo la’aan.
Wasiirka Xafiiska Maareynta Khataraha Masiibooyinka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, Axmed Yaasiin Sheekh Ibraahim, ayaa sheegay in biyo la’aan ka jirto 55 degmo oo ka mid ah deegaanka, taasoo saameyn ku yeelatay ku dhawaad 1.9 milyan oo qof. 
Wariyaha VOA ee magaalada Jigjiga, Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa, oo waraystay wasiirka, ayaa ugu horrayn...</description>
Mandheera: Koronto la'aan saameysay dadkii soomanaa 
            <description>Shacabka ku nool magaalada Mandheera ayaa maalintii saddexaad ka mudaaharaadaya koronto la'anka ka jirta magaalada, taasoo keentay in dadka ay u talaaban magaalada xuduudda saaran ee Beledxaawo si ay u helaan baraf iyo waxyaabaha daruuriga ee korontada ku xiran, xilli lagu jiro bisha barakayasan ee Ramadaan.
Goobaha caafimaadka ee Mandheera ayaa qalabkooda baaritanada waxay geyaan Beledxaawo si ay u helaan koronto ay howlahooda kusii wadaan.
Wariyaha VOAda ee Gaarisa, Maxamed Faarax...</description>
Haweenka Soomaaliyeed oo ku Xusay 8-da Maarso Gocasho iyo Adkeysi
            <description>Dumarka ku nool meelo kala duwan oo dunida ah ayaa maanta ugu dabaal degay maalinta caalamiga ah ee Haweenka Aduunka ee 8-da Maarso iyagoo ku baaqaya inay la sinaadaan ragga xagga mushaaraadka shaqada, xuquuqda waxbarashada, cadaaladda iyo helista shaqooyinka xafiisyada go’aan gaarista.
Laakiin, si ka duwan taas haweenka ku nool Soomaaliya ayaa sanaekan ku abaal degay xusuusta ma hadhooyinkii dagaalka sokeeye, doorka dumarka ee badbaadada dumarka iyo iyo haweenka Puntland oo dabaal degga...</description>
Dagaal Suuriya Ku Dhex Maray Ciidmada Maamulka Cusub Iyo Haraadiga Asad
            <description>Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii hore ee xukunka laga tuuray Bashaar Al-asad ay ku dhinteen dad ka badan 200 oo qof.
Iska horimaadyadan oo ka socda deeganada xeebaha ee Suuriya ayaa ah kuwii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo markii kooxaha fallaagada ah ee ay hogaaminayaan kooxda Islaamiga ah ee Hayat Taxriir al-Sham ay xukunka ka...</description>
            <category>Afrika</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/a9553260-2325-4a0c-a4b9-883205220732_w800_h450.jpg" length="0" type="image/jpeg"/>
100 Qof oo Dacuun Ugu Dhintay Sudan
            <description>Ku dhawaad 100 qof ayaa u dhintay daacuun caloole laba toddobaad gudahood, tan iyo markii uu cudurkan biyaha ka dhasha uu ka dillaacay gobolka Niilka Cad ee da;la Suudaan. Sidaaina waxdaa sheegaytay hey’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn.
Sida hey’adu sheegtay waxaa xaaladda gobolkan uga sii daray korontada oo dad badan ka go’day iyo tubooyinka iyo ceelsha biyaha oo aan shaqeyneyn.
Sida ay wararku sheegayaan, dadka gobolka ku nool ayaa sidaa daraadeed ku qasbanaaday in ay badankood...</description>
            <category>Afrika</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/01000000-0a00-0242-8fa8-08db3f29bbf9_w800_h450.jpg" length="0" type="image/jpeg"/>
Ururka ONLF oo isku khilaafay heshiiska Itoobiya
            <description>Jigjiga — Kowdii bishan March, Ururka ONLF ayaa soo saaray war-murtiyeed ay ku sheegeen in dowladda Itoobiya ay ka baxday heshiiskii ay la gashay ururkooda 2018-kii.
Garab sheegtay inay ka mid yihiin ururka ONLF ayaa maalintii Talaadada shir jaraa’id oo ay arrintaas ku beeninayaan ku qabtay magaalada Jigjiga, iyagoo soo saaray go’aan ay ku diiddan yihiin arrimahaas.
Haddaba, Muxumed Sheekh Badri, oo ah hoggaanka arrimaha ururka Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya, ayaa wariyaha...</description>
            <category>Afrika</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/5d4e2d11-cdca-4a99-0863-08dd5c8d307c_w800_h450.png" length="0" type="image/png"/>
186 qof oo la la'yahay kadib 4 doon oo ku degay badda Jabuuti iyo Yemen
            <description>In ka badan 180 qof ayaa la la’yahay kaddib markii afar doon oo siday muhaajiriin ay ku degeen biyaha u dhexeeya Jabuuti iyo Yemen, sida ay Jimcaha maanta ah Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) u sheegtay AFP.</description>
Rwanda oo UK ka dooneysa magdhow-ga heshiis la laalay 
            <description>Rwanda ayaa weydiisatay Britain inay siiso £50 milyan ($63.62 milyan) oo magdhaw ah kadib markii heshiiskii saoo-galootiga ee hore loo gaaray la laalay, sida uu sheegay ilo-wareed ku dhow dowladda Kigali Talaadada maanta ah.</description>
            <category>Afrika</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/cb1e3d6a-b2ac-48f6-b71d-9d1f76ad055c_cx0_cy4_cw0_w800_h450.jpg" length="0" type="image/jpeg"/>
Ciidamada Congo oo beeniyey ciidan la sheegay in ay qabteen 
            <description>Ciidamada Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo ayaa Axaddii shalay beeniyay in 20 dagaalyahan oo lala xiriirinayo xasuuqii Rwanda lagu qabtay dhulkooda, iyagoo ku tilmaamay muuqaal ay sii daysay Jabhadda M23, oo muujinayay iyagoo raggaasi Rwanda ugu gacan-gelinaya, mid been abuur ah.
Warbixin ay arrintan ka qortay VOA waxaa inoo soo koobaya Maxamed Colaad Xasan.
            <category>Afrika</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/8cfeab54-3924-4342-e95f-08dd4a81f35f_w800_h450.jpg" length="0" type="image/jpeg"/>
IGAD oo wadda dadaallo looga hortagayo masiibooyinka
            <description>Iyadoo dalalka caalamka ay wajahayaan khataro sii kordhaya oo la xiriira masiibooyinka cimilada, urur goboleedka IGAD, oo ay ku bahoobeen dalalka Geeska Afrika, ayaa la kaashanaya hay'adaha gargaarka si loo horumariyo barnaamij loogu talagalay ka hortagga masiibooyinka.
Barnaamijkan ayaa xoojinaya nidaamyada digniinta iyo maaraynta khataraha ee siddeedda waddan ee xubnaha ka ah IGAD.
Wariyaha VOA, Juma Majanga, ayaa warbixintan nooga soo diray Nairobi, Kenya. Xuseen Maxamed ayaa...</description>
            <category>Afrika</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/01000000-0aff-0242-fe55-08db6bf33e93_w800_h450.jpeg" length="0" type="image/jpeg"/>
Wareysi: Suleyman Xasan Waaberi oo u sharaxay xubin guddiga FIFA ah
            <description>Suleyman Xasan Waaberi, oo ah guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta ee Jamhuuriyadda Jabuuti iyo guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Kubadda Cagta ee qaaradda Afrika, ayaa VOA-da u sheegay inuu u tartamayo xubin ka mid ah Guddiga Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA.</description>
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Guinea oo 5 sano loogu xukumay musuq-maasuq
            <description>Conakry  — Maxkamad gaar ah oo ka dhisan dalka Guinea ayaa shan sano oo xabsi ah ku xukuntay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira musuq-maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.
Ibrahima Kassory Fofana, oo horey u ahaa ra’iisul wasaaraha xukuumaddii madaxweynihii hore Alpha Condé, ayaa sidoo kale lagu ganaaxay laba bilyan oo franki Guinea ah ($230,000). Xukunkiisa ayaa lagu dhawaaqay Khamiistii, magaalada Conakry ee caasimadda dalka.
Maxkamaddu...</description>
Boqorka Morocco oo ku baaqay in aan xoolo gawricin xilliga ciidda
            <description>Boqorka dalka Morocco ayaa ugu baaqay shacabka in aysan xoolo gawricin xilliga Ciidul Adxaa ee sanadkan, sababo la xiriira abaar ba’an oo dhulka saameysay, taasoo hoos u dhigtay tirada xoolaha nool isla markaana sababtay sare u kaca qiimaha hilibka.</description>
            <category>Afrika</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/7c9a8183-3dce-463a-827e-27bffa310f7c_w800_h450.jpg" length="0" type="image/jpeg"/>
46 qof oo ku dhintay diyaarad ku dhacday Sudan 
            <description>Afartan iyo lix qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad xamuul oo ay leeyihiin militariga Sudan ay ku burburtay xaafad ku taalla duleedka caasimadda Khartoum, sida uu sheegay maamulka gobolka Arbacada maanta.</description>
HRW oo soo dhoweysay xukunka maxkamadda Gaarisa ee Soomaalida
            <description>Gaarisa — Maxkamadda Sare ee magaalada Gaarisa ee dalka Kenya ayaa 21-kii bishii Janaayo riday xukun xuquuq muwaadinimo siinaya kumannaan Soomaali-Kenyan ah oo horey loogu diiday in laga saaro kaydka macluumaadka qaxootiga, lana siiyo kaararka aqoonsiga Kenya, inkastoo ay asal ahaan Kenyan yihiin.
Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa maanta soo saartay warbixin dheer oo ay arrintan kaga hadleyso, taasoo ay ku tilmaantay guul usoo hoyatay kumannaan reer Kenya...</description>
            <category>Afrika</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/b5020002-8690-4c44-9191-961db7ddcbe6_w800_h450.jpg" length="0" type="image/jpeg"/>
Xiisad ka dhex taagan Soomaalida iyo Oromada Itoobiya
            <description>Jigjiga — Afarta xisbi siyaasadeed ee mucaaridka ah ee ka dhisan Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa Talaadadii soo saaray warmurtiyeed ay kaga jawaabeen bayaan dhawaan kasoo baxay xisbiyada mucaaradka Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya, kuwaas oo kala ah OFC iyo OLF.
Labadaasi xisbi ayaa sheegay inay dib usoo ceshanayaan lahaanshaha magaalooyinka Diridhabe iyo Mooyaale, oo ah magaalooyinka ugu caansan kuwa Soomaalida ee Itoobiya. Xisbiyada mucaaradka ee Ismaamulka Soomaalida ayaa...</description>
            <category>Afrika</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/389BD801-5551-434B-992A-BAB3AB821FB0_w800_h450.png" length="0" type="image/png"/>
Wasiiro ka baaqday shirka wasiirada maaliyadda ee G20
            <description>Johannesburg — Qaar ka mid ah wasiirrada maaliyadda ee dalalka dhaqaalaha ugu tunka roon caalamka, ee G20, ayaa ka baaqday shir ay isugu imaan lahaayeen maanta oo Arbaco ah, kaasoo ka dhici lahaa dalka Koonfur Afrika.
Sidoo kale, mas'uuliyiin sare oo dalalkaasi ka tirsan ayaa hakiyay safarro ay ku tagi lahaayeen shirkaasi, kaddib markii ay hareeyeen muranno la xiriira arrimaha cimilada iyo sinaan la’aanta deymaha.
Warbixin ay wakaaladda wararka ee Reuters arrintan ka qortay, waxaa inoo...</description>
            <category>Afrika</category><enclosure url="https://gdb.voanews.com/531362a9-87ce-43a5-8618-bffbc0aa6ab8_w800_h450.jpg" length="0" type="image/jpeg"/>