Zamzam oo Gashay Kaalinta 7aad

Orodyahannada Soomaaliya, Zamzam Maxamed Farah ayaa maanta ka qeybgashay tartanka orodka ee 400 mitir ee ciyaaraha olympic-da London.

Zamzam ayaa tartankaasi oo ay kala qeybgalayeen 7 gabdhood oo orodyahanno waxay ka gashay kaalinta 7aad.

Orodyahanka Soomaaliya ee Maxamed Xasan ayaa isna la filayaa inuu caawa fiidkii ka qeybgalo tartanka orodka ee 1500 ee mitir.