C/qaasim: Waan soo dhoweynayaa dhammaadka kala-guurka
Urmiyə gölü quruyur
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa soo dhoweeyey dhammaadka xilliga ku meelgaarka ah ee hay'adaha dawliga ah ee Soomaaliya.
Waraysi uu siiyey idaacadda VOA kaidb markii manata la dhaariyey inta badan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayuu ku sheegay inuu rajaynayo in baarlamaankan cusub ee manata la dhaariyey uu noqdo kii ugu tayada wanaagsanaa baarlamaannadii sannadihii la soo dhaafay soo maray Soomaaliya.
Dhinaca kale Wasiirkii hore ee tacliinta dawladda Soomaaliya Dr. Cabdinuur Maxamed ayaa isna soo dhoweeyey qaabka ay u socoto in la heli doono baarlamaan ka wanaagsna kuwii hore.
Waraysiyada Madaxweyne Cabdilqaasim iyo Dr. Cabdinuur hoos ka dhagayso.