Sawirrada Maanta: Nov. 6, 2015
Nin wata baaskiil oo dhinaca maraya gantaal soo dhacay, magaalada Douma ee bariga ka xigta magaalada Dimishaq ee caasimadda Syria.
Rag ku duula baarashuut garbaha shimbiraha oo kale u eg, oo isku diyaarinaya tartan ka dhacaya magaalada Zhaotong ee gobolka Yunan ee China.
Diaa Bekheet oo sawirtay bilicda dayr dhammaadka ee bannaanka dhismaha Rayburn House Office Building oo u dhow xarunta VOA ee Washington, D.C.
Darbi loogu yeeray "Darbiga Geerida" oo tartan mooto ay ku marayaan iskuna salaamayaan laba nin oo aad caan ugu ah tartamada mootooyinka, magaalada Bengaluru ee dalka India.
Askari turumbo yeerinaya ka hor ciyaarta Cricket-ka ee dalalka Australia iyo New Zeland ee magaalada Brisbane.
Lamaane sawir ka qaadaya buundo nalal quurx badan laga sameeyey, magaalada Seoul ee dalka Korea-da Koonfureed.