Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo dhageysaneysa kiis la xiriira Trump iyo doorashada

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa maanta oo khamiis ah dhageysaneysa doodo la xiriira in gobollada dalka ay awood u leeyihiin inay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ka saaraan liiska musharaxiinta ee waraaqaha codbixinta.

Gobolka Colorado ayaa horey u diiday in Trump uu qeyb ka noqdo musharaxiinta ka qeyb-galaya doorashada gobolkaas, sababo la xiriira doorkii uu ku lahaa dhacadii 6-dii bishii Janaayo, 2021-ka lagu weerarary xarunta congress-ka Mareykanka.

Madaxa xafiiska VOA-da ee Aqalka Cad Patsy Widakuswara ayaa warbixintan diyaarisay, waxaana soo jeedineysa Caasha Ibrahim Aden.

Your browser doesn’t support HTML5

Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo dhageysaneysa kiis la xiriira Trump iyo doorashada