Ciidamad Badda ee Malaysia ayaa soo furtay markab iyo shaqaalihiii kuwaasoo ay afduub ahaan u haysteen burcad-badeed Soomaali ah.
Markabkan oo lagu magacaabo MT Bunga Laurel ayaa waxaa saarnaa 23 shaqaale ah. Ciidamada Badda ee Malaysia ayaa howlgalkan ku soo qabqabtay 7, waxaana howlgalkaasi ku dhaawacmey 3 burcad-badeed oo uu dhaawac ka soo gaaray is-rasaaseyn dhexmartay iyaga iyo ciidamada badda ee Malaysia.
Markabkan oo siday kiimiko ayaa waxaa lagu afduubtay biyaha gacanka cadmeed.
Maalinimadii shalay ee jimcaha ahayd, ciidamada kumaandoosta ee Kuuriyda Konfureed ayaa soo furtay 21 shaqaale ah oo saarnaa markab xamuul ah, howlgalkaasina ciidamada Kuuriyada Koonfureed waxay ku dileen siddeed burcad-badeed.