Madaxda ugu sarreysa Dowladda Soomaaliya ayaa ka horyimid heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Somaliland ay la gashay Ethiopia ee ahaa in 20 KM oo dhul badeed ah ay ka kireyneyso Itoobiya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hor hadlay Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid aan la qaadan karin, halka xukuumadduna ay soo saartay qoraal iyo war-saxafaadeed ayidaya haladalka uu madaxweynuhu jeediyay.
Haddaba, maxaa lagu fasiri karaa go'aanka dowladda Soomaaliya kasoo baxay? Weriayaha VOA-da ee Muqdisho ayaa arrintaasi ka wareystay Abuukaate Cabdiwaaxid Cabdullaahi.