Somaliland: Dad ku dhow 200 oo qof oo sanadkan ku dhintay Shilalka gawaarida

Somaliland Police Booliska Somaliland

Saraakiisha ciidanka booliiska Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyey shilalka gaadiidka ee sanadkan ka dhacay Somaliland.

Saraakiishan ayaa sheegay in 6,536 shilal gaari ay ka dhaceen Somaliland sanadkan 2023-ka, kuwaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 198 qof, ayna ku ku dhaawacmeen 4,890 qof.

Saraakiisha ayaa hadalkan ka sheegay munasibadda xuska sanad-guurada 30-aad ee aas-aaska booliiska Somaliland oo oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Warkan waxa Hargeysa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule.

Your browser doesn’t support HTML5

Booliiska Somaliland oo u dabaal-degay sanad-guurada 30-aad ee aas-aaskooda